DIIRADA CAAFIMAADKA & DARYEELKA DADWAYANAH: Qaybtii 4-aad. Jamal A. Muse.02.05.16

Tuesday, May 2nd, 2017
DIIRADA CAAFIMAADKA & DARYEELKA DADWAYANAH: Qaybtii 4-aad. Jamal A. Muse
“Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaan araga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka Hortaga Dilaaga Dedan”Maqaal
KA HORTAGA CUDDURKA DAACUUN:
Waxaa jira arrimo badan oo muhiim u ah ka hortaga cuddurka shuban biyoodka, kuwaasi oo ay tahay in laga hirgalinayo aagaga cuddurku ka dilaaco. Waa sidatan:
Cabitaanka biyo nadiif ah sida biyo sifaysan “Bottled water”, biyo karsan “Boiled water” iyo biyo daawaysan “Chemically treated water”.
Ka fagow cabitaanka biyaha baanbaddaha “Tap water” haddii aad ku nooshahay aag daacuur ka dilaacay iwm.
Ku maydh amma ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii ayna biyo oollin aagga aad joogto, fadlan isticmaal alcohol-ka gacmaha lagu nadiifsado. Fadlan nadiifi gacmahaaga ka hor iyo ka dib cunto cunida, marka aad cuntada diyaarinayso iyo ka dib jidh maydhashadaba.
Biyo nadiif ah ku maydh weelka cuntada laga cuno, sidoo kale cadayga u addeegso biyo nadiif ah sidda biyo sifaysan “Bottled water”, biyo karsan “Boiled water” iyo biyo daawaysan “Chemically treated water”.
Cun cuntada warshadaysan ee xidhan amma isticmaal cunto cusub oo diirran. Ha cunin cunto qaydhiin “caydhin” iyo hilib aan la karin, hana isticmaalin khudradda diirka ka xoqan.
Ilaali nadaafada iyo bilicda deegaanka, oo isticmaal suuli si looga hortago wasakhowga deegaanka, biyaha iyo cuntada.
DAWAYNTA & MAAREYNTA:
Daaweyntu waxay ku xidhan kolba xaaladda bukaanku sida ay tahay, waxaana lagu daweeyaa qodobadan halkan ku xusan:
Dareere fuuq-celis ah oo afka iyo xididka laga qaato, oo bukaanka loogu sameeyo fuuq-celin.
Daawooyinka kale waxaa ugu muhiim nooca lidka ku ah bakteeriyada “Antibiotics”, taasi oo yarayn karta muddada shubanka, islamarkaana ka hor tagi karta sii fiditaanka cuddurka.
Runtii maareynta iyo maamulka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo bukaanka cuddurkani asiibo. waxaa ka mid ah in degdeg loola gaadho cisbitaal, si loo siiyo daaweynta fuuq-celinbta ah.

Jamal A. Muse, Kuala Lumpur.

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk/hirdanheer@gmail.ocm