Faysal Cali Waraabe Oo Si Kulul Uga Hadley Falkii Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Lagaga Hor Istaagey Cisbitaalka Magaalada Caynaba + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu si kulul
uga Hadley dhacdadii hogaamiyaha xisbiga Waddani lagaga hor istaagey Cisbitaalka Caynaba.

Gudoomiyaha ayaa waxaa uu dhacdadaasi ku tilmaamay mid aad u fool xun isla markaana aan loo dul qaadan kareen
Sidoo kale Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu xukuumada ugu baaqay in aan dadka xisbiga Kulmiye iyo Musharax Muuse Biixi loo afduubi kareen balse xisbiyada mucaaridka cadaadiska laga daayo

” Qoladii maalintii dhaweyd Caynaba Tagtey ee dawooyinka siday ee Caynaba loo diiday , aniga ayaa beri lay diiday in aan Gabilay tago oo meesha maqaaxida inanta laygu hor istaagey , qaladkii xumaa ayay dawladeenu soo celineyaa , qof daawo sida oo macaawino sida in la is hor taagaa waa arin fool xun , markaas dawlada waxaanu leenahay dadka Kulmiye loo af duubi maayo ” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe