Habalihii Laga Qabtey Madarasada Boodhinka Ah Oo Shalay Galab Hargeysa Laga Dhofiyey + Tirada Hablaha La Dhoofiyey Iyo Kuwa Aan La Dhoofin

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ 12 hablood oo reer Somaliland ah oo todobaadkan laga soo qabtey
dugsi boodhin ah oo ku yaala magaalada Hargeysa ayaa shalay galab dalka laga dhoofiyey iyaga oo ku sii jeeda dalal ay dhalashadooda haystaan oo ay markii hore ka yimaadeen .

tmp_1603-IMG_A97C41-A1C336-5CCDBD-0AD7BD-FE603C-15923E-1548910216

Warar uu Wargeyska Geeska Africa helay ayaa xaqiijiyey in 12 kan hablood oo ka mid ah koox hablo ah oo dhawaan ay ciidamada ammaanku ka soo qabteen dugsi hooy u ah oo lagu baraayey diinta Islaamka la saaray duulimaadka shalay gala bee ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa , waxaana haba yaratee markii ay habluhu dhoofayeen aan lala socod siin waalidkood , waxaase wehelinaayey saddex ruux oo ajaanib ah .

12 ka hablood ayaa 8 ka mid ahi waxaa ay u socdeen dalka Ingiriiska mid Canada ah , Mid Denmark ah , mid Mareykan ah , iyo mid u dhalatey dalka Findland .

Source:- Geeska