Hinda Jaamac Xirsi Gaani Oo Si Adag u Canbaaraysay Ciidamo Cusbitaalka Caynaba Ka Hor Istaagay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Daawooyin u Waday Dad Bukaan Ah

Hinda Jaamac Xirsi Gaani Oo Si Adag u Canbaaraysay Ciidamo Cusbitaalka Caynaba Ka Hor Istaagay Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Oo Daawooyin u Waday Dad Bukaan Ah
Hargaysa(SM)Siyaasi Hinda Gaani oo ka mid ahayd Garabkii Toosinta ee Xisbiga Mucaaridka Ah Waddani isla Markaana Dhowaan ku Biirty Xisbiga Kulmiye Ayaa Laga Soo Sheegayaa inay Ka Gows Adaygtay Fal uu Kula Kacay Wasiirka Dib U Dejinta Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xisri Cali Xasan kaasi oo laga Hor istaagay inuu Daawooyin Geeyo Cusbitaalka Guud ee Magaalada Caynaba
Hinda Gaani Ayaa Ku Sababaysay Falkani mid ka Baxsan Biniaadantinimada isla Markaana ay Xaaraan Tahay in Dad Shacab u Gurmanaya Arintooda La Siyaasadeeyo Maadaama aanay Sidan Wax astaamo Ah oo Xisbigooda Ah Waxaana ay ku eedeysay Wasiirka Dibudejinta Cali Siciid Raygal oo ay Isku Deegaan kasoo Wada Jeedaan
Hinda Gaani Ayaa loolan Adag ugu jirta inay Booska ka Riixato Wasiir Cali Siciid Raygal Balse Waxaa wararku sheegayaan inay La Safan Tahay Gudoomiyaha Kulmiye oo aanay Iminka isku San Banaaneyn Madaxtooyada Halka Wasiir cali Siciid Gacanta ku Haysto Wasiirka Madaxtooyada oo Ay Iminka Ka Soo Fusho Talada Madaxtooyada
Qoraal Ay Hinda Gaani Soo Dhigtay Barteeda ay ku Leedahay Facebook Ayaa ay Ku Canbaaraysay Falkan Lagula Kacay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani waxaana ay Tidhi
“Aad Baan uga Xumahay In Masuuliyiin Dad Dhiban u Gurmanaya Oo Aan Arimo Siyaasadeed usocon laga Hor istaago Cusbitaalka Caynaba Maadaama ay Biyo iyo Cunto Iyo Daawooyin Keliya Wadaan,Waxaana Qurux Badnayd in Lagala Wareego Oo Keliya isla Markaana Magaalada Buuqa Laga daayo iyo In Indhaha lagu Soo Jeediyo Oo Shacabka reer caynaba U Muuqdaan Dad XunXun”IMG_2389