Kooxda Kubada Cagta ee Sheffield oo ku Guulaysatay Koobka 18 MAY. Sheffield 5-GIC London Woolwich 1 May 16, 2017

Kooxda Kubada Cagta ee Sheffield oo ku Guulaysatay Koobka 18 MAY. Sheffield 5-GIC London Woolwich 1
May 16, 2017

IMG_2955
Koobka 18 May oo sannada walaba lagu qabta qaarada Yurub Iyo UK Ayaa la soo gaba gabeeyay Maalintii Sabtida ee Todobaadkii hore 13/05/17 Waxaan si kooban u dul marayaa kooxda sheffield kulamadii iyo kooxohii ay wareega hore ee Tartanka ay wada ciyaareen .IMG_2954
Kooxda magaaladan sheffield ,is aragii hore waxay wada ciyaareen 1.Liverpool 0 Sheffield 0
2.Al-Huda (London) 1-Sheffield 2
3.Oscar (London Woolwich )0-Sheffield 1

Wareegii labaad (Semi final)
Waxaa isku haleelay Sheffield Iyo koox ku cayaaraysa magaca magaalada Birmingham waxayn sheffield ugu quus goysay Birmingham .
Sheffield 2 Birmingham 1
Sidaas darteed sheffield waxay ku guuleystay inay u soo baxaan Tartanka kam dambeysta ah ee Final ka.
IMG_2953
Hadaba Maalintii Sabtida ayaa Waxaa fooda is daray labada kooxood ee Sheffield Iyo Koox lagu magacaabo GIC Woolwich London ka socota.waxaan 5-1 ay Guusha koobka 18 MAY kula caraabay kooxda Sheffield iyagoo si weyne ugu awood sheegtay kooxdii GIC Woolwich London .
Waxaa kooxda Sheffield koobka u gudoomaya ciyaaryahanka sida weyne uga dhex muuqday maalintaas ( Man of the Match) YASIN OMAR. (Ina mataan) oo suurta geliya in ay 5-1 kooxdiisu koobka ku hanto
Kulamadan koobka 18 MAY ee final ka oo inta badan lagu qabto magaalada London ayaa Waxaa ka soo qayb gala daawashadeed dadweyne tiro badan Iyo waalidinta ciyaartoyga iyagoo si weyne u xiiseynaya kulamadan dhaliyarada lagu carbinayo wadan jacayl Iyo qiimaha Maalinta 18MAY ay leedahay.
Sheffield 5-GIC Woolwich London 1

Guul sheffield
Mataan M Omar
Sheffield UK.