Madaxa DP World Oo Joojiyey Heesta Calanka Somaliland Iyo Hadal Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Ka Jeedin Lahaa Wareejinta Dekedda Berbera + [Sababta ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dawladaha Itoobiyaha iyo Imaaraadka Carabta ayaa durbaa isku qardoofay Siyaasadda
ku aadan is-taraatijayadda labada dal ka leeyihiin Dekedda Berbera oo ku taala Marin-biyoodka Gacanka cadmeed, halkaasoo Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo

IMG_8F2EE7-774E3D-9EECCD-B3C553-0D1556-D29638-1-1

maamulka iyo gacan ku haynteeda ku wareejisay Shirkadda DP World, oo ah Shirkad laga leeyahay UAE, taasoo ku shaqaysaa siyaasad ku jaan-go’an danaha Boqortooyada. Sidoo kale, maamulka Shirkada DP World waxa gabi ahaanba ay diideen furitaanka Xaflada wareejinta Dekedda Berbera bilowgeeda lagu furo Heesta astaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Falalkan fajacisada ah ee durba shirkada DP World ku tallaabsatay oo ah qaar laba waji leh marka si loo eego. Tusaale ahaan, arrinka la xidhiidha joojinta tumista Heesta Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sida lagu sheegay Warar Wargeyska Yool ka helay ilo u dhuun-daloola Madaxtooyadda, waxa ay tibaaxeen in tumista Heesta astaanka qaranku qorshihii furista xaflada kowka ahayd, hase-yeeshee markii dambe la joojiyey qorshihii Barnaamijkana laga reebay, kaddib go’aan ka yimi Madaxda Shirkadda DP World, gaar ahaan maamulaha shirkada Dp World, (DP World Group Chairman & CEO Sultan Ahmed bin Sulayem said). Talaabadan oo ah mid lafjab ku ah jiritaanka Madax-banaanida qaranimada Somaliland sidoo kale, waxay noqon kartaa mid dhiiri-gelin u noqonta sheegashada Xukuumadda Muqdisho ku celceliso ee ku saabsan in Somaliland tahay maamul goboleed ka tirsan Soomaliya.

Teeda kale, faddexaadaha faro-gelinta qaawan ah ee madaxda DP World ugu talaabsadeen saacadihii koobnaa ee ay socotay xaflada wareejinta Dekeda Berbera intaa kuma ekeyn, balse waxa kamid ahaa dhacdooyinka fajacisada ku noqday kaddib markii madaxda Shirkadda DP World diidmo qayaxan isla hortaageen in Wasiirka Gaadiidka ee Itoobiya xafladan goob-joog ku ahaa inuu ka hadlo goobtii xafladdu ka socotay oo ku taala gudaha dekedda Berbera.

Tallaabadaan oo markeeda horeba marka lagu akhriyo luuqada Diblumaasiyadda noqonaysa mid ka baxsan waxa loo yaqan dhadhanka Diblumaasiyadda (Diplomatical taste), ayaa sida xoggaha lagu xusay is-hortaaga hadalka wasiirka gaadiidka Itoobiya waxa uu kiciyey darreen baddi xubnihii Xukuumadda ee madashaa fadhiyey, kuwasoo sida la sheegay isku dayey inay arrinka xal u helaan, hase-ahaatee Waxa Wararku intaa ku dareen in maamulaha shirkada Dp World Sultan Ahmed bin Sulayem said) uu dhegeey jalaq u siin waayey dhaq-dhaqaaqyadaas oo dhan.

Sidoo kale, xoggaha arrinkan ku saabsani, waxa ay intaa ku raaciyeen in xubnihii xukuumadda ee isku dayey inay xal u helaan faddexaadaan lama filaanka ah, waxa kamid ahaa Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wiilka Madaxweynihii sodogga u yahay ahna Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, waxa kaloo la sheegay inuu arrinkaasi dhibay xubno uu kamid yahay Gudoomiyaaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi, wallow aanay jirin wax ka qabasho oo ay arrinkaa ku faro-geliyaan.

Geesta kale, sida xoggaha dhacdadaasi iftimiiyeen waxa xubnaha Xukuumadda ee aynu kor kusoo sheegnay isku dayeen inay tallaabada kaddib Wasiirka Gaadiidka dawladda Itoobiya u raadiyaan xal u noqda Fursad uu hadal ku hello, waxana la sheegay Wasiir Maxmauud Xaashi iyo Wiilka Madaxweynuhuu Sodogga u yahay kolkii fadhi iyo dhaqaq-joogsi ka dhamaaday inay aakhirkii go’aansadeen in wasiirka reer Itoobiya ee loo diiday inuu ka hadlo Xafladdii lagu qabtay gudaha Dekedda inuu ka hadlo xaflad qado ah Xukuumaddu ku qabatay Madaxtooyadda Berbera, halkaas oo markii dambe uu ka hadlay Wasiirka gaadiidka Itoobiya.

Falkaas foosha xun oo noqday markaa si loo eeggo noqday mid banaanka soo dhigay loolanka ku aadan istaraajiyadda fog ee dawlaha carbeed iyo Itoobiya ka leeyihiin marin biyoodka gacanka cadmeed gacanku hayntiisa, waxa kaloo iyanna aarrinkani iftiimiyey sida dawladaha Imaaraadka iyo Itoobiya aanay u wadaagin aragti dhow oo middaysan arrimaha dekedda Berbera, maadaama Madaxtooyadda Somaliland marar badan ku celcelisay in dawlada Itoobiya iyo Imaaraadka midkoodna aanu sas gaar ah ka qabin heshiiska ku saabsan wareejinta Dekedda Berbera.

Hase-yeeshee waji-gabaxa Wasiirka Gaadiidka Itoobiya uu kala kulmay gudaha Dekedda Magaalada Berbera, ayaa markaa luuqadda Diblumaasiyadda lagu akhriyo waxa uu noqonayaa mid kashifay diblumaasiyad xumada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo iyaddu hal mar marti qaad u wada fidisay laba dal oo aan Siyaasadahoodu isku san-banaanayn, waxay’se ahayd hadii dhaqanka Diblumaasiyadda la eeggayo inay mariqaad u fidiyaan laba waqti oo kala duwan, ama haddii laga tagi waayo Xukuumadda Somaliland iyaddu lahaato Baratakoolka ama nidaamka hadalka ee Xafladda. Si kastaba ha ahaatee, waxa is waydiin mudan markaa maanta arrimuhuu taagan yihiin hadli maysid Berri markaa shaqooyinka iyo is dhexgalku intaan kasii bataan-na muxuu xaalku noqon doonaa?.

Source:- Yool