Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Dhaam Biyoodkii Ugu Horeeyey , Googta Laga Hir Gali Doono Iyo Lacagta Ku Bixi Doonta + [ Muuqaal/

Hqrgaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,

ayaa maanta kormeer ku tegay qaar ka mid ah degmooyinka Caasimada oo ay ka socoto ururinta qadhaanka dadka abaaruhu saameeyeen loogu talo-galay in lagu xooleeyo, laguna sameeyo dhaamam iyo seerayaal dhaxal iyo dhigaal u noqda wixii abaaro ah ee soo noq-noqda, taasi oo lagaga gaashaamanayo wixii danbe

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu dhagax dhigay dhaam biyood laga hirgelin doono duleedka caasimada Hargeysa oo ku kici doona $12,000, iyadoo ay lacagtaasina ku deeqeen ururka Tawaasul oo uu u hadlay Xamse Cumar Ku joog oo ka mid ah da’a yartaa isxilqaantay, iyadoo dawladda hoose ee caasimada Hargeysa oo uu gadhwadeen u ahaa maayarka caasimadu ay dhaamka ugu deeqeen agabkii lagu qodi lahaa iyadoo madaxweynuhuna uu amray in la bilaabo qodista dhaamkaasi.