Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Xoghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadlee

London (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay
Xoghyaha Gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis, iyagoo ka wada hadlay arrimaha ammaanka iyo dhismaha Ciidamada

IMG_7E5709-1F5428-8ACC6B-475261-6A4E71-743D20

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada Mareykanka ee arrimaha ciidamada, qalabeynta, iyo sidii Al-Shababa looga saari lahaa meelaha ay gacanta ku hayaan.
Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo shalay khudbad ka jeediyay shirkii London ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay qorshaha Amniga Qaranka
Jim Mattis ayaa sheegay inay taageersan yihiin qorshaha amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya soo diyaarisay, waxaana uu tilmaamay inuu Mareykanka sii xoojinayo tababarka Ciidamada Soomaaliya.
Bishii hore ayay aheyd markii Mareykanka Ciidamo u diray Soomaaliya, kuwaasoo tababaro siinaya Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Todobaadkii hore askari mareykan ah oo ka mid ahaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa lagu dilay howl gal ay ku taageerayeen Ciidamada Kumaandooska, kuwaasoo weerar ku qaaday saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen Gobolka Shabeellaha Hoose ee dalka Somaliya