Madaxweyne Umadu Waxey Is Weydiineysa Meeday Xaruntii [Women’s Club-ku] Ee Qoyskaagu Qaatey Markaad Leedahay Hantida Umada Ha La Ilaaliyo ..” Xussen Axmed Ceydiid + [Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah
ee Waddani waxaa uu ka hadley hadal dhawaan ka soo yeedhay madaxweyne Siilanyo kaas oo uu masuulyiinta dawlada ku amraayey in ay ilaaliyaan hantida dadweynaha .

https://youtube.com/watch?v=Z_NYw_16CTo

Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid ayaa waxa uu madaxweyne Siilanyo weydiiyey halkii ay ku danbesa xaruntii dumarka ee Women’s Club ka loo yaqaaney oo uu sheegay in qoyskiisu qaatey oo uu dhistey , isla markaana waxaa uu su,aal galiyey sida ay isku qabaneyso arintaasi iyo hadalka madaxweynaha ee ah ha la ilaaliyo hantida umada

Waxaana uu madaxweyne Siilanyo ugu baaqay hadii ay Digreetadiisu tahay mid niyad ka ah in uu arintaas uu sheegay in qoyskiisu ku kaceen uu wax ka qabto