Mas’uul katirsan dowladda Soomaalia Oo Xalay. Muqdisho lagu toogtay iyo warar sheegaya in..

FB_IMG_1494305021424

Muqdisho (SM)_ Wararka aanu ka helayno muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in mid kamid ah kaaliyayaashii Maxkamadda sare ee Dalka lagu dilay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Dilka ayaa waxaa la xaqiijiyay in uu geystay Darawalka Taliyihii hore ee nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jen’Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud kaas oo la sheegay in uu ku dhax dilay guri ku yaalla Degamada Waaberi.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Mursal Cumar Cismaan, waxaana dilay darawalka Taliyihii Hore ee Hay’adda NISA Gaafoow wuxuuna sidoo kale uu dhawaacay Haweeney guriga wax ka daganeyd.
Kaaliyaha Maxkamadda ee la dilay ayaa la sheegay in uu deegaan ahaan ka soo jeedo Somaliland  waxaana ilaa hadda la ogeyn sababta rasmiga ah ee Darawalka Gaafoow uu u dilay Masuulkaas ka tirsanaa Maxkaadda Sare ee Dalka.
Warar ayaa sheegaya in uu baxsaday Darawaka dilka ka geystay oo ilaa hadda aan la ogeyn halka uu jaan iyo cidhib  dhigay inkastoo ay wararka qaar sheegayaan in lagu raad joogo ninkaas isla markaasna laga ilaalinayo inuu ka baxo Magaalada dhexdeeda.
Weli wax war ah oo ku saabsan dilkaas loo geystya Kaaliyaha Maxkamadda Sare ma jiro .Masuul Dowlada ka tirsan oo ka hadlay waxaana la sheegayaa in Marxuumka la dilay meydkiisa uu yaalo Isbitaalka hooyada iyo Dhallaanka Banaadir.

FB_IMG_1494312919531-1