Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wararka Naga Soo Gaadhaya Magalada Caynaba Ee Xarunta Gobalka Saraar
Ay Sheegayaan In Xilkii Laga Qaaday Isuduwihii Wasaarada Caafimaadka Gobalka Saraar Dr Muuse Abokor Suudi Islamarkaasina Loo Qoray warqad shaqo joojin ah Masuulka Qoray Warqadani Ayaa Xogaha Aanu Helaynaa Sheegayaan Inuu Yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi
Sababta Masuulkani Xilka Looga Qaaday Ayaa La sheegin isla markaana waxaa ay u muuqataa mid Lagu Raali Gelinaayo Masuul Hore Ugu Fashilmay Xilkaasi Oo Ay qaraabo dhaw yahiin Wasiir Maxamuud Xaashi
Reerka uu ka soo jeedo masuulkii hore ee xilka laga qaadey oo warbaahinta la Hadley waxaa ay ku hanjabeeen in dhamaan ay ka bixi doonan oo ay macasaleemeen doonana xisbiga Kulmiye