Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Ee Dalka Somaliya Oo Saaka Dil Toogasho Ah Fulisay + [ Sawiro ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dalka Somaliya ayaa saaka dil toogasho ah
ku fulisay nin qirtay inuu ka dambeeyay qaraxii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waabari, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof oo u badnaa Ganacsatada Suuqa.

IMG_F38ECA-6A4E3A-91F996-F78FFF-4EE3FC-980962-1

C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40-jir ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dil ku xukuntay bishii March ee sanadkan.
18556056_444592725887407_6869935751239236603_n

Ninkan ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu is qarxiyo, isla markaana watay gaadhi caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, hase ahaatee inta aanu qarxin ka hor ayay ciidamada amniga qabteen, isla markaana intii su’aalaha la weydiinayay ayaa waxaa qarxay gaadhigii uu watay.
18519886_444592702554076_1653292816267720578_n

Maxkamadda ayaa horay xukun xabsi min 15 sano ah ku riday labo nin kale oo ku lug lahaa qaraxa gaariga caasiga ah, kuwaasoo laga soo qabtay Garaash lagu diyaariyay gaariga qarxay.

18557328_444592745887405_4457861573821135764_n

18485938_444592772554069_6126036334669048844_n

18581778_444592782554068_724402060118592546_n