Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukun dil ah ku riday eedeysanayaal kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool.27.05.17

Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukun dil ah ku riday eedeysanayaal kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool.27.05.17IMG_4007

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maanta xukun dil doogasho ah ku riday shan nin oo kasoo jeeda maamulka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo dhawaan ciidamada amniga Bosaso ku qabteen waxyaabah qarxa oo si qarsood ah u soo galin rabay xarunta gobolka Bari.
Eedaysanayaasha oo aan helin qareen u dooda ayaIMG_4009a waxaa xukunkooda ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda xuuntay C/fitaax Xaaji Aadan.
Xukunka go’aanka ciqaabta raggaas iyo magacyadooda ayaa sidaan u dhacay;

Cabaas Ibraahim Yare Aadan –I Khadiijo Aadan 26-jir ah kuna dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Ibraahim Maxamed Canshuur –Ina Khadiijo Cabdullaahi Cali 20-jir ah,ku dhashay Afgooye waxaa lagu xukumay dil Toogasho ah

Dhaqane Aadan Cabdi Xassan- Ina Sacdiyo Isaaq Ibraahim 20-jir ah ku dhashay Qansax dheere waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

Aadan Nuur Aadan Cali –Ina Kuuso Maxamed Nuur 27-jir ah ku dhashay Baydhabo –Dil Toogasho

Nuur Cabdi Aadan Isaaq –Ina Xaawo Wardheer Maxamed 22-jir ah ku dhashay Aw-diinle –Dil Toogasho.

Raggaan ayaa 25/04/2017 lagu qabtay duleedka magaalada Bosaso iyagoo wata baabuur noociisa Somalidu u taqaann Dhikilo, kaasoo siday waxyaabaha Qarxa oo noocooda lagu sheegay kuwo aad u halis badan.

Todobaadkii hore ruux isku soo xiray walxaha qarxa oo ka tirsanaa Daacish ayaa isku qarxiyay bar kontorool oo ciidamada ku lahaayeen Boosaaso, waxaana ku dhintay afar qof.IMG_4008