Mid Ka Mid Ah Dalalka Qaarada Yurub Oo Maanta Madaxweyne Cusub Dooranaaya + [ Waa Dalkee]

Paris (Salaanmedia.com)_ Codbixiyayasha Faransiiska ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya wareegga
ugu dambeeya ee doorashada madaxtinimada dalkaasi.

Waxa ay kala dooranayaan Emmanuel Macron iyo Marine Le Pen, oo labaduba ballanqaaday in siyaabo kala duwan ay u wajihi doonaan dhibaatooyinka haysta Faransiiska.

tmp_13569-IMG_5C5E6D-479E19-5034E9-12C07C-274ABB-2BDE691178514348

Doorashadan ayaa ah mid si weyn loogu tartami doono, afkaarta labada musharraxna ay isweyn isu diidan yihiin.

Maalin un ka hor doorashada ayaa Emmanuel Macron waxaa laga jabsaday macluumaadka kombiyuutaradiisa, ayadoo xog badan oo ku saabsan ololihiisana baraha internet-ka lagu baahiyay.

tmp_13569-18301080_440019983011348_2768191738558551438_n1927274322

Madaxweynaha xilka ka degaya, Francois Hollande, ayaa sheegay in ay filayeen weerarro noocaasi oo kale, maadaama buu yidhi “ay ka dhaceen meelo kale”

Waxa hadda la sugaaba waa natiijada kasoo bixi karta doorashadan sida weyn loogu loolamayo.