Musharaxiinta Qaarkood Markay Maansoor Joogan Waxay Yidhaahdaan Saldhiga Waanu Ka Soo Hor Jeednaa , Markay Madaxtooyada Joogaana …. ” Musharax Ciro Ereyo Culus Ku Ganay Muuse Biixi +[ Muuqaal ]

Hargaysa (SM)_ Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ereyo
culus oo sarbeeban uu ku ganay dhigiisa Muuse Biixi

Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu si dadban u sheegay In Muuse Biixi marka uu Hotel Maansoor uu joogo uu yidhaahdo saldhiga ciidan ee laga siiyey Berbera dawlada imaraadka waan ka soo horjeeda marka uu madaxtooyada joogana ku hadlo af kale oo uu yidhaahdo saldhiga boqolkiiba boqol waan taageersanahay

” Musharaxiinta qaarkood marka ay Hotel Maansoor joogaan waxay yidhaahdaan Saldhiga Ciidan ee Berbera waan ka soo hor jeedaa , Marka ay madaxtooyada joogana waxay yidhaahdaan saldhiga boqolkiiba boqol waan taagersanahay ” ayuu yidhi

https://youtube.com/watch?v=aImhrZWl6Wg

Sidoo kale musharax Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa uu sheegay in Ey loo xidho calanka xisbiga Waddani aan lagu kala badin doonin ee lagu kala badin doono quluubta shacbiga reer Somaliland

” Ey calanka xisbiga waddani loo xidho lagu kala badan maayo ee waxaa lagu kala badinayaa quluubta shacbiga ” ayuu yidhi musharax Cabdiraxmaan Ciro