Shacabka Reer Somaliland Ee Moqdisho Ku Nool Oo Madaxweyne Siilanyo Ka Codsadey Diyaarado Lagu Soo Daad Gureeyo Iyo Sababta Ku Kaliftey + [Muuqaal]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Shacabka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ku nool caasimada dalka
Somaliya ee Moqdisho ayaa waxaa ay madaxweyne Siilanyo ka codsadeen in uu u diro diyaaradu lagu soo daad gureeyo

Sidoo kale shacabkan ayaa waxaa ay hanjabaado kulul hawda u mariyeen madaxda dalka Somaliya gaar ahaan Raysal wasaaraha dalkaasi Muddane Xassan Cali Khayre

https://youtube.com/watch?v=PvTr7kzH3mc

Shacabkan gadoodsan ayaa waxaa ay ka cabanayeen dilal sharci daro ah isla markaana si arxan daro ah loogu geysto masuulyiinta Somaliland ka soo jeeda ee xilalka ka haya dawlada Moqdisho

” Salaasadii waxa Moqdisho lagu dilay Agasimihii maxkamada sare Marxuum Mursal Cumar Cismaan , waxaana dilay sarkaal ka tirsan ciidanka nabad sugida isla markaana Taliye Gaafow darawalkiisii khaaska ah , markii uu dileyna wuu cararay oo gurigii taliye Gaafow ayuu galay , markii Marxuum Mursal la dileyna afka ayaa lagaga kaajay .

Koonfur Africa ayaa inta Somalida la dilo la gubaa anagu hadii aanu nahay Isaaqa Moqdisho Jooga Koonfur Africa ayey moqdisho noo tahay , meydkayagana waanu qaadaneynaa , inanka yare e Raysal wasaaraha halkan ka ahna ee Murursade ee bay bayga African ka ah saaran waxaanu leenahay

(Dal Xamar ma aha , dadna Muruursade ma aha , Dalna Moqdisho Ma Aha , qorina inta aad ka haysato ma aha )

Dawlada Somaliland waxaanu ka codsaneynaa sida ugu dhakhsaha badan in ay diyaarado noogu soo diraan diyaarado ” ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii cabanaayey