[Sir Culus] :- Muj Cali Guray Oo Fashiliyey Qadarka Lacag Ay Xukuumadu Laaluush U Siiyey Faysal Cali Waraabe + [Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Muj Cali Guray oo ka mid ah masuulyiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye waxaa uu
maanta fashilyey qadarka lacag laaluush ah oo uu sheegay in ay xukuumadu u siisay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe

Muj Cali Guray ayaa waxaa uu ku sheegay in qadarkaas lacagta ahi ay leegtahay $400,000 ( Afar Boqol oo Kun Oo Dollar )

Xukuumada $400,000 ayaa ay siisay Faysal Cali Waraabe , maalin walbana baad ayuu ka qaadaa ,waxaana ay u wataan wax aan aniga iga suurto galeen oo aan ka xishoonaayo ayuu Faysal Sameynayaa .

Faysal Maalina Ciro ayaa lagu dirayaa , maalina halkan baa la soo wadayaa , aroorta danbana Muuse Biixi ayuu caayayaa” ayuu yidhi Muj Cali Guray

Sidoo kale Cali Guray ayaa waxaa uu saluug ka muujiyey Xisbiga Kulmiye iyo Musharax Muuse Biixi oo uu sheegay in uu gaabis yahay qaabkan ay u wadaan wacyi galinta kaadhadh qaadashadu