TACSI:-Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Gashaanle Sare/Jiif Caaqil Cismaan Cabdilaahi Siciid.16.05.17

TACSI:-Guddoomiye Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum Gashaanle Sare/Jiif Caaqil Cismaan Cabdilaahi Siciidciro

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba sida oo kale taageerayaasha xisbiga WADDANI ee kala jooga gudo iyo dibad ba, ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Cismaan Cabdilaahi Siciid oo ahaa Madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday 15/05/2017.

Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumkaasi isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan oo wax tar badana ka soo geystay guud ahaan qaranka isaga oo tilmaamay in uu ka mid ahaa dadkii xoreeyey qarankan Somaliland sida oo kale ka soo shaqeeyey nabadeyntii beelaha Somaliland.

Guddoomiye Cirro, waxa uu ugu dambeyntii uu Alle uga baryey Marxuumka in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.