Tuducyo Ka Mid Ah Tixdii Amakaag Oo Qorane Wacays ( Gabayxoog) Kaga Hadlay Wadciga Guud:01.05.17

Tuducyo Ka Mid Ah Tixdii Amakaag Oo Qorane Wacays ( Gabayxoog) Kaga Hadlay Wadciga Guud:

maanso
Ururiyo xisbiyadaa horgalay, lagu abaaroow
Aaniyo qabiil weeye iyo, oday ku faan reere
Midna aragti dheer iyo waxqbad, kuma amaanaan
Asaraar hadaad ka qabtidood , igu inkaarayso
Adigaabaan kuu dhiibayaa, Ibofurkeediiye
Kan ordaaya , kaa orinayiyo, kanuun afuufaaya
Bal istaajiyoo inamadaa , erayo waydiiya
Ma adiga , adiga, ma adigaa, adhigan raacaaya !?
Madaa idiyo waylo lumay, ururin waadaasha ?
Ardaagii nirgaha ma digaa , xero u oodaaya ?
Ma adaa inkaarahan tahriib, soo afjari doona?
Iskuuliyo tacliin ma adigaa, ubadka gaynaaya ?
Madigaa agoontiyo bulshada, run u adeegaaya ?
Danta guud Arboow ma adigaan, aqal ka jeexaynin
Allaa kugu og maadaan hantida, iibinayn dhaxalka ?
Ictiraafkan lumay ma adigaa, Aabiyow helaya?
Indhihiyo waxay sheegayaan , uurku Kala jaade
Aragtee waxaad odhanlahayd , Aniga ii sheega !
Ilaa aamanuudii tan iyo , Aadam iyo Xaawa
Mar hadaanu alif ii kordhayn, obos cad mooyaane
Indheer-garaadkii mee, Maxamadoow oohow odhan laa
Umariyo mid loo taliniyiyo, agab mid loo dhiibtay
Odayaal garsoor loo dirtoo, aqalo loo yeelay
Axdi iyo dar aan wacad Ilaah, oofin baan nahaye
Uubtii lagu qaniiniyo halkay, shalay ka ooyaysay
Dad uun ku agwareegaanu nahay, godad abeesood
Ummad baanu nahay aadunkiyo, tuuga aamina,e
Ibta caano laga maalayood, nagu arsaaqaysay
Adhi iyo waxii dhaqsho laa, aarankiyo Geela
Ummad baanu nahay iibiyoo, qaad ku iibsada,e
Cir Onkaday ,alayl mire na helay, mayay aroor hooray
Dhaxuu albaabada muskiyo, ooda daad jaraye
Ummad baanu nahay uun, hadana ooman weligeede
Nimcadaad Arlada noo dhigtee, aradka guud taalay
Ayax baanu nahay aan dhirtana, ulo ka reebayn
Itaalxumo waxaan nahay dad aan, ubaxna beerayn
Ummad waxaanu nahay uu yaryahay, Ehlu khayrkeed
Dad baan nahay qabiil ku abtirsada, oon indho lahayne
Agoonta xoolahoodii kuwii, iibsadaan nahaye
Afka buuxso oo tii hantiya, ururso mooyaane
Aakhiriyo geerida dad aan, eegin baan nahaye
Abdo ma lihin, dad waxa aanu nahay nolol istaahilin
Marka aadamuhu qooqayee, ku adyadnaynaayo
Alla cayga diintiyo markaan, nebi la eegaynin
Us kuwaan ku odhan baanu nahay, Edeb daraantaas
Intaan ogay, ilduufkay, intaad adigu dhaafayso
Intaad noo asturaysoon iyada, tiro idlaynaynin
Abaaraha dhaciyo waxa cirkii, roob u iman waayay
Inyar-baaba lays taabtay oo, waa indaar culuse
Waxaan eed faliyo caasinimo, olele shaydaanka
Axad kama hadheen aadamaha, waad arxamaysaaye
Ergaan ahay Raboow waxaan ka imi, duul itaal daran
Anbad baanu nahay oo ma jiro, bar aan ku aadnaaye
Adigaan ixsaankaaga badan, kuu irkanaynaaye
Adigaa albaabada u fura, ruux ku Aamina,e
Istiqfaarta iyo Tawbaadaa,naga ajiib maanta
Allahayow mid aygiyo badiyo , oogadaba gaadha
Iliilaha biyaha qaadiyiyo, aagagaa bananka
Buuraha intaa eegaysee, laba albaablayda
Allahayow mid lagu oon baxoon , edeg yar waydaaran
Mid aan aafo iyo cudur lahayn, nagu arsaaq maanta . aamiin
Qorane Wacays (Gabayxoog).