WAR DEG DEG AH; MASUUL SARE OO KA TIRSAN XISBIGA KULMIYE OO ISCASILAY IYO SOBOBAHA KEENAY ISCASILAADIISA?? May 15, 2017

WAR DEG DEG AH; MASUUL SARE OO KA TIRSAN XISBIGA KULMIYE OO ISCASILAY IYO SOBOBAHA KEENAY ISCASILAADIISA??May 15, 2017

Gudoomiyihii Dhaqaalaha Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga Kulmiye Maxamuud Jaamac Gudaal oo hada is casilay .Screen Shot 2017-05-16 at 00.05.52

Hargeysa,(SM)- Waxa caawa si rasmi ah xisbiga Kulmiye isaga casilay gudoomiyihii dhaqaalaha Ee Garabka Dhalinyarada Heer Qaran Ee Kulmiye Maxamuud Jaamac Gudaal.

Maxamuud jaamac gudaal oo mid ahaa dhalinyarada xisbi xaakimka kulmiye ugu firfircoona mudana kusoo jiray sayaasada dalka ayaa caawa ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba iska casilay xilkii uu ka hayay xisbiga ulmiye iyo xubinimadii  xisbiga,

Sidoo kale masuulkan sare ee caawa iscasilay ayaa shabakada wararka ee wajaalenews u sheegay sobobaha  keenay   in uu iscasilo xiligan oo uu ku tilmaamay in ay hawlihii xisbiga aanay gabi ahaanba sidii loogu talo galay aanay usocon alow uu xusayin  maalinta bari uu si faah faahsan uga hadli doono iscasilaadiisan  iyo xaaladu uu ku sugan yahay xisbiga kulmiye .

Dhanka kale Wararka aanu ka helayno garabka dhaliyarada ee xisbiga kulmiye iyo kuwo degmooyinka ayaa sheegaya in xubno kale oo cul culusi wakhtiyada soo socda gabi ahaanba iska casiliyaa xilalka ay ka hayaan, xisbigakulmiye

Maalmo ka hor ayay hayd markii ay xisbiga kulmiye iska casileen xubno kale duwan oo qaarkood xilal sare sare hayeen.

Salaanmedia/Hargaysa Source Wajaale