Wasiir Cali Mareexaan Oo Hunguri Ka Hayo In Uu Noqdo Wasiirka Maaliyada Iyo Gudoomiye Muuse Biixi Oo ….

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Xisbiga Muuse Biixi Cabdi ayaa
olole ballaadhan ugu suxul duubay sidii loo badali laha Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, isagoo jagadaas la raba Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan)

IMG_6A2821-4E6E63-54F0FB-6F0D1F-21A4D3-DAA103

Sida warar hoose uu ku helay Wargayska Somalilandtoday, kulan dhexmaray Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Murashaxa Xisbiga KULMIYE ayuu Muuse Biixi Cabdi ku war galiyay Cali Mareexaan inuu kula dagaal gali doono sidii uu Wasiirka Maaliyadda u noqon laha ee uu ugu badali laha Samsam Cabdi Aadan, in kasta oo ay siweyn isugu dhawaayeen qoyska Madaxtooyada Iyo Wasiir Samsam hadana Ololaha Muuse Biixi ayaan ahayn mid qarsoon.

18582574_446794942333852_6003878136425475994_n

Wasiirka Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa dhan keeda ka war heshay Ololaha Muuse Biixi Cabdi, balse Ilaa hadda kamay hadal.

Geesta kale waxaa la aaminsan yahay inuu khilaafka u dhexeeya Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Samsam Cabdi Aadan uu qayb ka qaadan karo in qorshahani guulaysto maadaama uu Maxamuud Xaashi saamayn buuxda ku leeyahay isku shaandhaynta iyo magacabista xilalka muhiimka ah.

Si kastaba ha ahaate ololaha Muuse Biixi Cabdi waxa la ogaan doona inuu guulaysto iyo inuu guul daraysto marka Madaxweyne Siilaanyo sameeyo isku shaan dhayntiisa ugu danbaysa ee Golaha Wasiirada.