Xog-Warranka Munaasibad Dhalanteed Ah Oo KULMIYE Hargeysa Ku Qabsaday Iyo Dareenka Rasmiga Ah Ee Bulshada

Dhuug iyo qaniin bay dirtaan, dhuuxa maatida’e

Inkastoo u dhalashiyo hilbiyo, dhiigga kula leeyahay

Daba-dhilif wakiil uma metelo, duul dhan keligiiye

Dhadhan ruuxa liitaa u nugul, dhuuni uu cuno’e

Dhishiikiyo haddii ciidan adag, la igu soo dhoobo

Ama waan ku dhaadhicinaynnaa, dhaanto lagu qaado

Dhimashada horteed tii xarrago, la isma dhiibeene

(Gabayga Dhakafaar: 14kii Ogos 2016ka. Curinta: Siciid Maxamuud Gahayr)

siciid gahayr

Wuxuun bay ahayd aroornimadii saaka (13kii Mey 2017ka, Sabti) markii aan ka jarmaaday gurigayaga si aan u indha-indheeyo munaasibad adhax-wareen ah oo lagu sheegay in dad ka soo jeeda deegaannnada Awbarkhadle, Qool-buulalle iyo Celiyo ay ku biirayaan Xisbiga KULMIYE, xafladdaas oo ka dhacaysay Adam’s Inn Hotel ee magaalada Hargeysa.

Waxa madasha isugu yimi dumar iyo carruur dhawr bas loo kireeyay oo aan dhaaddanayn ujeeddada rasmiga ah ee loo socdo. Indhahaagu waxa ay qabanayaan wiil hawsha kaalin ku leh oo soo kaxaystay aabbihii, walaalkii iyo ciyaalkii qoyskooda si ay kuraasida ugu buuxiyaan. Bal ka warrama ninka wax ku doonaya wejiga qoyskiisii ee waalidkii iyo walaalladii ku dawarsanaya?. Kaba-qaadnimadu waxa ay leedahay heerar kala sarreeya, haddii aan ka warramo halka ay ragga qaarkood la gaadhana dhegaha ayaad faraha gelin doontaan.

Inkasta oo ay shaqaalaha dawladda ka reebban tahay in ay axsaabta ku milmaan, waxa aan arkayay adeegayaal xadka dhaafay iyo gaadiid dawladdu leedahay (Government Transport) loo adeegsanayo munaasibaddan gacan-ku-rimiska ah.

Waxa aan arkayay dad lagu qasbay inay madasha yimaaddaan “aragtida aad doonto aamminsanaw. Maanta dan ayaan leeyahaye, golaha ha igu cidlayn. Inaadeer waan ku baryayaa, ha iga maqnaan” ayaa ragga qaarkood lagu soo jujuubay. Kuwo badan oo kalena waxa loo ballan-qaaday in la siin doono qaad iyo qado marka ay xafladdu dhammaato. Waa baahida ummadda looga faaiidaysanayaa in dacar la leefsiiyo.

Qabanqaabada waxa kaalin ku lahaa raggii UDUB oo dhacaysa 2010kii yidhi “UDUB ayaanu taageersannahay” si loogu qoro dhawr milyan oo hantida ummadda ah. “Hadba ma xukuumad dhacaysa ayaynu godka la galnaa” ayaa ka mid ahaa weedhihii aan ku kaftamay. Madasha waxa aan ku arkay basaasiin waaweyn oo shilinno ku qaata dhagarta iyo dhibta sokeeyaha, waxaana ka mid ahaa kuwo aanu jar iyo buur isla jiidhnay. Intaas waxa dheeraa dad aan ka soo jeedin deegaannada KULMIYE ku biiraya, isla markaana aan ahayn madaxda xisbiga.

Waxa aan arkayay dad ay ummadda ugu dambaysay maalintii KULMIYE talada la wareegay, oo aan dib loo arkin markii xukuumaddu dhalatay. Ma maalinta olole jiro ayaa bulshada la xasuustaa?. Aniga iyo dad badan oo kale gudaha uma aannu gudbin, waxa aanu ka xishoonnay in aanu noqonno weji-ku-macaash ku guul-wadeeya gaws iyo gasiin maalin ah. Waxa aanu bannaanka ka nidhi “Waa fal foolxun waxa meesha ka socdaa. Karaamadii iyo milgihii ayaad iibiseen. Xishooda!”

 

Abwaan Gaarriye waxa uu yidhi

Dadna waa hangoolkii

Maalin cidi dan leedahay

Dalmarow la tebi jiray!

Walaw dadka madal-shir (hool) lagu xereeyay abbaaro 08:00, waxa aan ka hullleeyay iyada oo illaa 10:00 barqannimo la sugayo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE. Waxa ka soo horreeyay Md Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee KULMIYE, Md Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo ka mid ah saraakiisha KULMIYE, Mubaarig Ismaaciil Taanni Xoghayaha Gaarka ah ee Muuse Biixi Cabdi iyo qaar ka mid ah gacan-yareyaashii riwaayadda jilayay. Walaw dhawr jeer la iga codsaday in aan gudaha galo, waxa aan daaha ka qaaday in aanan diyaar u ahayn ka-qayb-galka dhacdada.

Dadka af-duubaya ummaddu, Xisbiga KULMIYE kuma ay xidhin wax shuruud ah si ay u taageeraan, haddii ay noqoto waxqabad laga fuliyo dhulkooda iyo saami-qaybsi awoodeed midnaba. Xitaa kuma jirin qof han leh oo higsigiisa lagu garab-galaa. Aniga oo saadaalin kara in KULMIYE uu noqonayo xisbiga ugu codka yar, marka loo eego deegaannadii saaka munaasibadda loo qabtay, waxa aan ka xumahay in Mujaahid Muuse Biixi Cabdi laga khasaariyo wakhti iyo adduun labadaba. Haddii uu dedaal ku bixiyo meelo kale, waxa suurtagal ah in uu ka heli lahaa taageero run ah.

Sida ay ummaddu u jidh-diidday munaasibadda saaka, waxa aad ka garan tahay in isla aroornimadii maanta shir degdeg ah lagu qabtay Scandinavian Hotel kaas oo lagu go’aamiyay in laga daba-tago weji-ku-macaashkii saaka ka hadlay Hargeysa. Waxa aan xaal siinayaa ummadda magaceeda la bahdilay. Waxa aan raalli-gelin gaadhsiinayaa xisbiyada mucaaridka ee ay cududdooda majara-habaabiyeen dhawrka qof ee danaysteyaasha ahi. Waxa aan xaal siinayaa Hoggaanka Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda loo dhigay laaca beenta ah ee dhaqaalaha lagaga gurtay dhalanteedka.

Waxa aan xaal siinayaa cid kasta oo aan jeclaysan xurmo-darradii ay gacan-yareyaashu ku xarragoodeen. Waxa aan xaal siinayaa Murashax Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo loo xulay inuu deegaannada la hafrayo u metelo doorashada Golaha Wakiillada Somalland, isaga oo ka tartamaya Gobolka Marooijeex.

Hadaf ahaan, himilo ahaan, hab maamuus ahaan iyo habdhac ahaanba waxa ay ahayd madal hoosaysa oo aan hiraal iyo hirgal midna lahayn. Isku soo wada duub, tani waxa ay ahayd munaasibaddii ugu liidatay ee aan dhaayaha ku arko ama dhegta ka maqlo.