Xukuumadda Somaliland Iyo Ururka Saxaafadda Ee SOLJA Oo Qasriga Madaxtooyadda Kulan Ku Yeeshay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen + [ Sawiro ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, iyo Ururka Saxaafadda ee SOLJA
ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta qasriga Madaxtooyadda ee caasimada Hargeysa.

Kulankaas oo laba geesood ahaa ayaa waxa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha hawlaha saxaafadda, cabashooyinka jira iyo sidii waxa looga qaban lahaa

18556404_1306962179417632_619557019025896115_n

Shirkan oo ahaa mid loogu gogol xaadhayo shir balaadhan oo maalinta Arbacada ee bisha May tahay 24ka loo qaban doono, sadexda qaybood ee xukuumadda, garsoorka iyo guud ahaan saxaafadda dalka, ayaa waxa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumadda, saraakiil kale iyo xubnaha guddida fulinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, kaas oo lagu soo qaadi doono sidii looga arrinsan lahaa meelna laysula dhigi lahaa arrimaha soo noqnoqday ee saxaafadda.

18582353_1306962246084292_3294455334113061326_n

Kulankaasi oo saacado qaatay waxa ay labada dhinac si qoto-dheer uga wada hadleen Saxaafadda iyo hawlaha ay hayso, caqabadaha haysta iyo sidoo kale khaladaadka ay saxaafaddu ku dhacdo iyo sidii dhamaan arrimahaasi wax looga qaban lahaa, looguna diyaar garoobi lahaa shirka maalinta arbacada ka dhici doona Madaxtooyadda.

18556404_1306962179417632_619557019025896115_n

Wasiirada xukuumadda ee kulankaasi saxaafadda la qaatay wax aka mid ahaa, wasiiradda warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Qorshaynta Maxamed Ibraahim Aadan Qabo, xidhiidhka goleyaasha iyo technology-yada, Cali Xaamud Jibriil, wasiirku xigeenka madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranka, Yuusuf Cabdilaahi Kaahin iyo taliyaha ciidanka booliska sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

18664207_1306961909417659_7125933922664232353_n

18620074_1306961922750991_5452376415400172456_n

18620179_1306962182750965_1306977969010274101_n