27-kii July 2010: Madaxwayne Siilaanyo Oo Ay Shalay U Buuxsantay 7 Sano Oo Uu Xilka Hayay, Maxaase Lagu Xasuusan Doonaa?

Wareejinta dekedda iyo madaarka Berbera, iibka dhulka danta, isku-shaandhaynta tiro beeshay, dib u dhaca doorashooyinka iyo qodobada kale ee lagu xasuusan doono A.M.M Siilaanyo!

unnamed-23

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xilka madaxwayne-nimo la wareegay 27-kii Jully sannadkii 2010-kii, waxaanay shalay ku beegnayd sannad-guuradii 7-aad ee ka soo wareegtay maalintii uu xilkaas la wareegay,
Mudadii uu joogay waxa uu Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu ku tallaabsadeen isbedel horumar leh iyo waxqabad la xasuusan karo, waxaana qodobada ugu wayn ee madaxwaynaha lagu xasuusan karo ka mid ah derajad uu ciidamada u sameeyey, mushaharka shaqaalaha oo la kordhiyey, korodhka tirada shaqaalaha dawladda, dhisamaha waddooyinka isku xidha magaalooyinka, waxbarashada hoose iyo dhexe oo bilaash laga dhiga, adeegyada caafimaadka oo kor loo qaaday iyo qodobo kale.

Sidoo kale waxaa jira qodobo dib u dhac ku ah xukuumadda Siilaanyo, dib u dhaca doorashooyinka madaxtooyada, baarlamaanka, golayaasha deegaanka iyo guurtida ayaa ka mid ah qodobada ugu waaweyn ee lagu xasuusan doono Axmed Siilaanyo, korodhka qabyaaladda, kala qaybsanaanta dadka reer Somaliland iyo saamaynta ay Somaliland ku leedahay beesha caalamka oo hoos u dhacday.
Wareejinta dekedda Bebera, kiraynta madaarka Berbera, iibka dhulka danta guud, isticmaalka gaadiidka dawladda iyo qodobada la mid ka ah ayaa ka mid ah boogaha ay xukuumadda Siilaanyo 7 sano kadib deris la tahay.
Mudadii uu madaxwayne Siilaanto talada hayay waxa uu sameeyey ku dhawaad dhawr iyo toban isku shaandhaynood oo kala duwan, mar kasta waxa uu magacaabid iyo isku bedel ku samaynayay golihiisa wasiirrada, agaasimayaasha, masuuliyiinta gobolada iyo masuuiyiinta hay’adaha iyo wakaaladaha dawladda.
Iyadoo isku shaandhayntii ugu dambaysay ay soo baxday habeen hore oo la isku bedelay laba wasiiru-dawle ayaa dadka siyaasadda faaleeyaa waxay golihii wasiirrada ee ugu horeeyey iyo kuwii ka dambeeyey ku sifeeyeen kuwii ugu tayada roonaa, halka ay wakhtiyadii u dambeeyey magacaabidda iyo isku bedelku iska so daba dhacayeen iyagoon wax saamayn ah lahayn, waxaanay taasi sababtay in tirada golaah wasiirradu ku dhawaadaan 90 qof.
Waxyaabaha lagu xasuusan doono Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa ka mid ah ereyga “xil suge” oo macnaheedu yahay in qof aan xil hayni uu mushahar ka qaato dawladda, waxaanay dhacday markii ugu horaysay taariikhda Somaliland, sidoo kalena tirada dadka la naas-nuujiyo ayaa aad u badatay.