BURCO: Xukuumadda Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Af-hayeenka Guud Ee Guddiga Beelaha Habar-jeclo Iyo Sababta Loo Xidhay.

Burco (Salaanmedia.com)_ Ciidamada booliska Somaliland ayaa shalay xabasiga u taxaabay Af-hayeenka guud ee guddiga beelaha Habar-jeclo Cabdi Maxamed Qalombi.

afhayeen-1-150x150

Xidhiga Af-hayeenka guud ee guddiga beelaha Habar-jeclo ayaa lala xidhiidhinaya taageero xooggan oo uu muujiyay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Dhan kale maamulka gobolka Togdheer ayaan wali ka hadal sababta loo xidhay Af-hayeenka guud ee guddiga beelaha Habarjeclo.
Gabagabadii tallaabada lagu xidhay Af-hayeenkii guud ee guddiga beelaha Habar-jeclo ayaa waxa ay laf-jab ku tahay hab maamuuska madax-dhaqameedka iyo dimuqraadiyada ka hirgashay Somaliland oo u muuqata inay god-madow ku sii dhacayso.