Dagaal Gacan Ka Hadal Ah Oo Dhex Maray Maayarka Burco Iyo Xildhibaan Golaha Deegaanka Ka Tirsan Iyo Waxa Ay Isku Qabsadeen Oo Xogo Kasoo Baxayaan

Burco (Salaanmedia.com)_ dagaal gacan ka hadal ah ayaa dhex maray maayarka magaalada Burco iyo xildhibaan ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka

tmp_15834-11-12-125x125-2136104508

Dagaal gacan ka hadal ah ayaa dhex maray
maayarka magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan “Murraad” iyo xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Burco oo lagu magacaabo Xildhibaan Kayse.
Dagaalkan gacan ka hadalka ee dhex maray labadan masuul ayaa la sheegay inuu ka dhashay sida ay xoguhu sheegayaan In maayerka magaaladu iibiyay. Hangarkii. Weynaa. Ee. Suuqa. Badhtamaha. Burco iyo
xero-dhiigtii xoolaha ee magaalada Burco oo laga raray goobtii hore loona rarayo goob cusub oo loo bineeeyey,waxaana ay isku maandhaafeen arimo la xidhiidha
Hangarkaas oo la sheegay. Inuu ka faasaxay. Ganacsade shicib ah iyo Xero-dhiigtii hore. Oo maayerku iibiyay taas oo sababtay inay gacanta iskula tagaan.
Waxaana labadan masuul markiiba kala dhex galay oo kala qabtay sida naloo sheegay dad iyo xildhibaano goobta ku sugnaa,waxbana ismay gaadhsiin labadaasi xildhibaan ee dagaalka gacan ka hadalka ah dhex maray.
Gabagabadiina muddoyiinkii u danbeeyey waxa khilaaf culusi ka dhex taagnaa golaha deegaanka Burco oo u kala safan laba dhinac oo qolona ay kasoo horjeedo maayarka magaalada qaarna ay taabacsan yihiin,waxaana ilaa hadda aan la garanayn halka uu saldhigan doono khilaafkaasi ragaadiyey golaha deegaanka Burco,taas oo sababtay in hakad iyo gaabsi badani ku yimaado shaqadii ay umadda u hayeen.