Dagaalka Ceel Afweyn Cudud Iyo Xoog Baanu Ku Xalin Doonaa ..” Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Hanjabaad Warbaahinta La Soo Hor Fadhiistey + [Muuqaal ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Muddane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa waxaa
uu Hanjabaad la soo hor fadhiistey warbaahinta isla markaana waxaa uu si kulul uga Hadley dagaalka mar kale ka soo cusboonaadey deeganka Ceel Afweyn

https://youtube.com/watch?v=-WsyKO5rKx4

Wasiirka ayaa waxaa uu ku hanjabey in dagaalkaasi aaney ku xalin doonin baryo iyo sabaalo balse ay ku xalin doonan cudud iyo xoog iyaga oo adeegsanaya awooda dawladeed

” Dagaalka Ceel Afweyn kuma xalin doono Baryo iyo sabaalo balse waxaanu ku xalin doonaa cudud iyo xoog oo adhaxda ayaanu qaban doona oo awoodeeda ayaanu leenahay ” ayuu yidhi wasiirku

Sidoo kale wasiir Maxamuud Xaashi ayaa waxaa uu cadeeyey in aaney waxba iska bedeli doonin diwaan galintii gobalka Sanaag dhawaan ka bilaabmeysa