MA DHABAA ? In – Mid Kamida Wasiirada Xukuumada Siilanyo Ugu Awooda Badan Oo Qarka U Saaran In Saacadaha Soo Socda Is Casilayo , Wasiirka Uu Yahay Iyo Sababta

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-tire Oo
Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Tunka Wayn Xisbiga Talada Haya Ee Kulmiye Ayaa Waxa Soo Baxaya Warar sheegaya Inuu Qarka U Saaran Yahay Inuu Baneeyo Jagada Wasiirnimo Kana Huleelo Xisbiga Kulmiye

tmp_9354-IMG_6F96D0-218453-C039AA-A30951-374DE7-9B9FE3955686397

Xogahan ayaa Tibaaxaya In Khilaaf Soo Kale Dhax Galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Cabdi Ka Dib Markii Mudo Laga Joogo Bil Iyo Dheraad U Shaaciyay Wasiirka Qorshaynta Qaranku Inu U Taagan Yahay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Dabadii.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Ka Mida Siyaasiyinta Ugu Misaanka Culus Ee Beelaha Dega Goboladda Hawd,Maroodijeed, Daadmadheed,Togdheer Iyo Saaxil Kuna Dhex Leh Tageerayaal U Heelan Inay Meel Mariyaan Hankiisa Siyadeed.

Gudoomiye Muuse Bixi Oo Shirar Doceedyo Kale Duwan Kula Yeeshay Gudaha Magalada Hargaysa Siyaasiyinta Beesha U Kaso Jeedo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ay Ugu Danbaysay Maanta Uu Kulankaasi Ka Socdo Hargaysa Isla Markaana U Goobta Ka Maqan Yahay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Muuse Bixi Ka Reebay Shirkaasi In Loo Yeedho Wasiirka Qorshaynta

tmp_15834-20264965_476865015993511_2851406112346881273_n985904452

tmp_15834-20246493_476864052660274_2513988658750983014_n-1961542491

Khilaafkaasi Soo Kale Dhexgalay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa Dabada Ku Haya ,Shaacinta Wasiirka Ee Gudoomiyaha Xisbiga Oo La Damacsan Yahay In Loo Dhiibo Siyaasiyiin Kasoo jeeda Beesha Madaxwaynaha Silaanyo.

Khilaafkaasi Siyaasadeed Oo Sababi Kara In Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan Qabyo-Tire Iyo Tageerayaal Tiro Badan Oo Kaso Jeeda Deegaan Wasiirku Ay U Dareeraan Xisbiga Wadani Oo Hore U Sii Jogeen Siyaasin Misaan Ku Leh Deegaanka Wasiirka Qorshaynta Qaranka Oo Ay Ka Mid Yihiin Gudoomiyha Ku Meel Gaadhka Xisbiga Wadani Abdiqaadir Jirde ,Sababina Karta In Codka Ugu Badan Degankaasi U Kasbado Xisbiga Wadani.