Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Hargeysa Kaga Dhoofay Safar Aan La Shaacin , Dalka Uu Ku Sii Jeedo Iyo Xogo Laga Helay Safarkiisa

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil Saylici ayaa
waxa uu shalay garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa uu kaga dhoofay safar aan la shaacinin .

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Eng, Saylici Iyo Ururka Dalalka Islaamka Oo Maanta Hargeysa Kullan Kula Dhex Maray.

Ilaa hada ma cada ujeedka rasmiga ah ee uu salka ku hayo madaxweyne ku xigeenku balse waxaa shabakada Salaanmedia.com loo xaqiijiyey in madaxweyne ku xigeenku uu safarkiisan ku tagey dalka Imaraadka Carabta .
Safarka madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa waxaa uu ku soo beegmay xili warbaahinta dalku ay qortey in madaxweyne Siilanyo qorsheeyey in todobaadkan uu safar ugu baxo qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub balse safarkaas madaxweyne Siilanyo ayaa la filaaya in uu dib u dhaco oo u madaxweyne ku xigeenka sugo inta uu dalka ku soo labanaayo madaama aaney madaxweynaha iyo ku xigeenkiisuba aaney dalka ka wada dhoofi karin