Maxaa Ka Jira In Raysal Wasaaraha Soomaaliya Uu Safar Qarsoodi Ah Ku Yimid Magaalada Hargeysa?? (Wargeyska Indian Ocean Newsletter Oo Warbixin Ka Qoray Arrintaa)

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay warbixin uu baahiyay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter ee faafiya wararka sirdoonka oo lagu magacaabo Africanintelligence.com , kaasoo 21-kii bishan daabacay warbixin ciwaan looga dhigay dagaalka adag ee ay la kulmeyso dowladda iyo walaaca Beesha Caalamka.

tmp_14488-H-150x1501769230345

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa been abuur lagu tilmaamay wararka uu baahiyay Wargeyskani.
Warbixinta lagu qoray wargeyska ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank.
“Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shaqsiyaadka kor ku xusan”ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta
“Dowlada Federaalku waxey welwel ka qabtaa maqaalkan oo ujeedo guracan laga lahaa loogu danlahaa in lagu xumeeyo xidhiidhka wanaagsan ee Dowladda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka”