Maxamed Biixi Yoonis Oo Hargeysa U Imanaya Xaflad Xisbiga WADDANI U Qabanayo Taageerayaal Cusub Oo Ku Soo Biiraya.18.07.17

Addis Ababa (Salaanmedia.com)_ Wefti uu hoggaaminayo Maxamed Biixi Yoonis oo uu ka mid yahay Cabdixakiin Xaaji Siciid iyo xubno kale oo WADDANI ah ayaa berri Hargeysa u imanaya xaflad Xisbigu u qabanayo siyaasiyiin ku biiraya Khamiista toddobaadkan.

tmp_20427-biixi-150x1501395045214

Maxamed Biixi Yoonis iyo xubnaha la socda ayaa ujeedada safarkoodu tahay sidii ay taageero ugu muujin lahaayeen siyaasiyiinta ku soo biiraya xisbiga oo intooda badani ka soo jeedo Xisbiga KULMIYE, balse imika doonaya inay WADDANI noqdaan.
Sidoo kale, siyaasiyiinta uu Maxamed Biixi Yoonis hoggaaminayo iyo kuwa ku soo biiraya ayaa la filayaa inay bilaabaan olole ay taageero ugu raadinayaan Murrashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro.
Siyaasiinta ku biiraya xisbiga WADDANI oo qaarkood dhawaan ka tagay xilal ay ka hayeen xukuumadda ayaa doonaya inay cududooda ku muujiyaan xafladda loo qabanayo, waxaanay u muuqdaan kuwo muddooyinkan danbeba ku jiray xulafaysi.
Xisbiag WADDANI ayaa hadal haya inay qabsan doonaan munaasibado kale oo ay ku soo dhaweyn doonaan taageerayaal kala duwan oo ay ka filayaan goboladda kale ee Dalka.