Qayb Kamida Taariikhdii Xirfadyahan Weriye Mijir Qaadi oo Burco ku geeriyooday Qalinkii Cabdisataar Sabri.Sunday July 02, 2017 –

Qayb Kamida Taariikhdii Xirfadyahan Weriye Mijir Qaadi oo Burco ku geeriyooday Qalinkii Cabdisataar Sabri.Sunday July 02, 2017 –IMG_6151

Qayb Kamida Taariikhdii Xirfadyahan Weriye Mijir Qaadi oo Burco ku geeriyooday Qalinkii Cabdisataar Sabri.
Mijir Qaadi Maxamuud oo ahaa Weriye Cabqari ah oo soojireen ah Waxaa uu shaqadda Warbaahinta Bilaabay Sanadkii 1945-tii isagoo ka bilaabay idaacadii xilligaa la aasaasay oo “Radio kudhu” oo ilaa hal kiiloo waad war laliskeedu ahaa “Radio kudhu” oo ciidamada meleteriga ingiriiska markii hore loo keenay ayaa hargaysa ka tiilay halka looyaqaan “Taardheer”

Mijir qaadiMaxamuud waxaa uu xilligaas ugu da’yaraa facii shaqada Idaacada lagu aasaasay oo ay kamid ahaayeen Maxamed Xaashi , Muuse galaal, Cabdixakiin Caabi , Cabdi Ducaale ileeye , Axmed Cabdi rooble, Aadan dhakhtar Iyo rag kale oo Tiro badan

1952 kii ayaa idaacadii “Radio kudhu” labalaadhiyay kadibna Radio Hargaysa ayay noqotay idaacadii Mijir Qaadi isagoo Hanaqaad xirfadyahan ah ayuu kamid noqday dhalinyaradii ay ku nasteen facii kawaawaynaa oo markii danbe madaxwada noqday

Mijir qaadi Waxa uu noqday suxufi caan ka ah dhulkii Ingiriisku haystay ee Somaliland protectorate iyo guud ahaan deegaamadii soomaalida ee baahinta Idaacadu gaadhsiisnayd

Markii danbe ee Somaliland iyo Somalia laysu daray ee ay dhalatay Somali Rebuplic Wuxuu uwareegay Radio Muqdisho

Waxaa uu kaalin muuqata ka ciyaaray barnaamijyadii wacyigelinta ee Somalinimada Cusub lagu fahamsiinayay Umadda Soomaliyeed Kadibna markii danbe wuxuu noqday Nin la mabda noqda ragii siyaasiyiinta iyo hal-abuurka isugu jiray ee ka horyimi dawladii kacaanka ilaa uu markii danbe uu Ka midnoqday Jabhadii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM

Mijir ayaa noqday wakiilka SNM u qaabilsan Adis Ababa kalkaas oo laga korinjiray Jabhadaha Siyaad barre dagaalka kula jira
Xilligaas idaacadii halgan ayuu geestakale kamid ahaa ragii ay fikir ahaan ku tiirsanayd
Mijir qaadi Maxamuud Ayaa markii SNMdagaalka kuqabsatay Gobolada woqooyi ee Madaxbanaanidoodii dib ugala soo laabtay Soomaaliya oo ay lixdankii maanta oo kale Kowda july midoobeen ka halgalay dib uyagleelida iyo dib uhabayntii idaacadii Radio Hrgysa iyo nabadayntiii dadka iyo dal Somaliland
Mijir qaadi Maxamuud ayaa mudooyinkan danbe da’ iyo daal iyo Xanuuno isugu darsameen inkastuu kamid ahaa Xilligan Madaxda Sharfan ee Wasaaradda Warfaafinta Somalilan

Mijir Qaadi Maxamuud caawa waa marxuuun wuu inaga hooseeya keliya wuxuu ubaahanyahay Ducada Umadiisa iyo in ilaahay Samir iyo iimaankasiiyo eheladiisii

Mijir oo aan sanadkii 2013 kii aan kuwaraysatay Marnaamijka Waayo Arag SLNTV Ayaan idiinka soo qoray xogtan kooban ee taariikhtii nololeed marxuun mijir qaadi Maxamuud

Mijir ayaa waraysigaa wuxuu ku sheegay in Somaliland horumarkeeda iyo meelmarinta qadiyadeeda guul laga gaadhikaro keliya marka ladhiso Weriyeyaasha dalka Somaliland laakiinse hadii xaalkooda sidaa lagu daayo waxwaliba ay gaabis noqonayaan

Innaa lillaahi wa inna ilayhi raajicuuun