WADDANI Waa Xisbiga Ugu Balaadhan Xisbiyada Gaar Ahaan Mucaaridka….” Axmed Muumin Seed.Khamiis.27.07.17

Khamiis.27.07.17Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Siyaasi Axmed Muumin Seed, ayaa si weyn u hambalyeeyey siyaasiyiintii dhawaan
ku soo biirtay Xisbiga WADDANI ee ay hoggaaminaayeen Abiib tima-cad iyo weli ba siyaasi Ismaaciil yare, waxaana uu sheegay in Xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga ugu ballaadhan xisbiyada ka jira dalka.

axmed-muumin-seed

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo arrimahaas ka hadlaaya, ayaa mar uu ka hadlaayey xaflad isaga iyo siyaasiyiin kale oo ka socday KULMIEY looggu qabtay magaalada London ee dalka UK, waxa uu yidhi:- “Waxa aan aad iyo aad u hambayeynayaa siyaasiyiintii dhawaan ku biirtay Xisbiga WADDANI, waxaana aan odhan lahaa Xisbiga WADDANI waa xisbiga ugu ballaadhan xisbiyada gaar ahaan Mucaaradka.”. Ayuu yidhi Muumin Seed.