Wafti Wasiiro Iyo Saraakiil Ciidan Iskugu Jira Oo U Baxaya Degmada Ceel-afwayn Oo Colaadi Dib Uga Soo Cusboonaatay+Magacyada Waftigaasi Iyo Ujeedada Socdaalkooda

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Warar xog ogaal oo ay helayso shabakada wararka Ramaasnews kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyada ayaa waxay sheegayaan in wafti wasiiro xukuumadda madaxwayne Siilaanyo ka tirsan ahi iyo saraakiil ciidan la filayo in maalmaha soo socda ay safar ugu baxaan degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag oo ay dib uga soo cusboonaatay colaad sokeeye oo khasaare sababtay.

tmp_5859-1-188-125x125-324420165

Waftigan wasiirada iyo saraakiisha ciidan iskugu jira ayaa waxa hogaaminaya sida Ramaasnews loo sheegay wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,waxaana qayb ka ah wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon”,wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid “Caddaani”,wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,wasiirka qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan “Qabo” wasiir ku xigeenka ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac,wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Maxamed Xasan “Mareexaan”,Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Imaan iyo Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland sareeye Gaas Nuux Taani.
Waxaana ujeedada socdaalka waftigan ay salka ku haysaa xalinta colaadda dib uga soo cusboonaatay deegaanada degmada Ceel-afwayn oo sababtay dhimashada 7 qof iyo dhaawaca 18 kale,waxaana waftigan ay kulamo la qaadan doonaan madax-dhaqameedka iyo odayaasha labada beelood ee dirirtu dhex marayso,waxaana sidoo kale ay u socdaan hirgalinta go’aamadii xukuumaddu hore uga soo saartay shaqaaqada oo in hadhsanayd.
Xaaladda deegaanada degmada Ceel-afwayn ayaa hadda ah mid dagan,waxaana deegaanada degmada Ceel-afwayn ee labadan beelood ood-wadaagta ku yihiina la wareegay ciidamada Qaranka Somaliland.