Xaaladda Nololeed ee Dadkii Abaarta Ku Caydhoobay Oo Sii Adkaatay Iyo Guddigii Ka Soo Kabashada Abaaraha Oo La La’yahay Meel Ay Jaan iy Cidhib Dhigeen

Guddigan oo Cullimo iyo Wasiirro Ka Kooban Ayaa Ururiyey 10 Milyan Oo Dollar, Balse Halkay Ku Dambaysay Aan La Garanayn

tmp_9354-Guddiga-1-150x150985904452

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xaaladda nololeed ee dadkii ku caydhoobay abaarihii kala dambeeyey ee Somaliland soo maray ayaa aad uga sii daraysa, iyagoo soo degay duleedka magaalooyinka Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda wax taakulo ah u fidin dadkaas soo barakacay ee xaaladooda nololed liidato, waxaana ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanka Ceegaag ee Gobolka Sanaag oo ay la soo daristay xaalad caafimaad, dhaqaale iyo xoolihii oo dhammaan ka baxay.
Guud ahaan dadka abaarta ku caydhoobay ayaa muuqaal ahaan aad u liita isla markaana u baahan gar-gaar iyo taakulo si noloshooda loo bad-baadiyo, hase yeeshee ma jirto cid illaa haatan ka jawaabtay baahida dadka tabaalaysan.
Geesta kale guddigii ka soo kabashada abaaraha ee uu Madaxwayne Siilaanyo magacaabay ayaan illaa hadda la garanayn meel ay ku dambeeyeen kadib markii ay ururiyeen qaddar lacageed oo dhan 10 Milyan oo dollar, lacagtaas oo ururinteeda la bilaabay 18-kii May illaa 26-kii June lagana qaaday guud ahaan shacbiga Somaliland, ganacsatada, sherkadaha waddaniga ah iyo goobaha waxbarashada ayaa lagu sheegay in lagu xoolaynayo dadkii xooluhu ka baxeen ee ku caydhoobay abaartii riiqda dheeraatay ee ka dhacday dalka, hase yeeshee guddigan oo ay ku jireen cullimo iyo wasiirro ayaan illaa hadda hal qoys waxba u qaban isla markaana aan warbaahinta kaga hadal halkay marayso hawshii loo igmaday.
Dadka rer Somaliland qaarkood ayaa markii mashruucan lagu dhawaaqay ku macneeyey mid lacag lagu uruursanayo, waxaanay u muuqataa in xantaasi rumoobayso.