Xildhibaano Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Wax Ka Qabto Boobka Hantida Umadda, Talaabana ka Qaado Wasiirada Qaarkood

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Cali Sheekh ibraahim Aareeye, oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa sheegay inay Xukuumaddu baalmartay nidaamkii dawladnimo, waxayna ayaan daro ku tilmaameen in khilaafka Masuuliyiinta Xukuumaddu uu soo noq-noqdo,isla markaana halkii looga baahna inay guddaha ku dhamaystaan inuu dibadda u soo baxo, waxa kale oo ay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu wax ka qabato hantida umadda oo ay sheegeen inay Xukuumaddiisu ku takrifalayso.

Siiraanyo-1-150x150

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf iyo Xildhibaan Cali Sheekh ibraahim Aareeye oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Xukuumadda ugu baaqay in hawlaha Dhaqanka iyo Guurtida inay faraha ka qaado, oo iyadu wixii waajibkeeda ah ka gudato, waxaana ugu horeyn Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo ka hadlaya farqiga u dhexeeya xukuumaddan Siilaanyo iyo xukuumadii hore ee dalka soo maray uu yidhi “Xukuumaddihii hore ee taladda dalka soo maray, waxay ahaayeen Xukuumaddo nidaamka dawladnimada raaca, kuna dhaqma, waxay ahaayeen Xukuumaddo inta badan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ka soo kordha iyada oo aan la maqal xaliya, waxay ahaayeen Xukuumaddo Wasiiraddoodu nidaamkooda iyo hawlahooda shaqo ku kooban, oo hawlo kale oo aan loo diran aan qaban, balse maanta waxaynu arkaynaa in Xukuumaddan khilaafka dhex yaala masuuliyiinteeda, ee soo noq-noqda, oo aan nidaamka iyo hanaanka dawladnimo ku wacnayn, waxaynu arkaynaa in Wasiir xil hayey, oo Wasaarad masuul ka ahaa, uu ka hadlayo Wasaarad kale oo aanu shaqo ku lahayn hawlaheeda, halka ay hawlihii Wasaaraddiisu dayacan tahay”.
Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey xilka Madax-dhaqameedka iyo Guurtida ayaa yidhi “Markay dagaalo ama shaqaaqo dhexmaraan Beelaha, Xukuumaddu doorkeeda ayey ka qaadan jirtay, waajibkeedana wey ka gudan jirtay, Guurtida iyo Madax-dhaqameedkuna si toos ah ayey xilkooda uga gudan jireen, nabadgalyo iyo wanaagna wey dhex dhigi jireen labada beeleed ee dagaalama, balse imika waxaynu aragnaa in hawlihii Madax-dhaqanka iyo Guurtida, ee markay shaqaaqo timaado, xalin jiray inay Xukuumaddani isku koobtay, waxaana dhab ah in xalinta khilaafaadka Beelaha faraha Xukuumaddu uga qaadi lahayd Madax-dhaqameedka iyo Guurtida in dagalaaadan Beeluhu aanu soo noq-noqdeen,ta kale Nabigeena naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaate wuxuu yidhi walaalka u hiili haddi uu gardan yahay iyo haddii laga gardaran yahay, haddii uu gardan yahayna gardarada macnaheedu waa gardarada ka qabo, haddii laga gardan yahay cida ka gardan ka qabo, markaas in aad looga feejignaado oo la iska ilaaliyo fidno huruda in la kiciyo oo dagaalo la abaabulo weeye, waxaan arkaayey Madax-dhaqameed iyo Xildhibaano ka soo jeeda Ceel-afweyn eeddoo u soo jeedinaya Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi iyo Boqor Buur-madaw, fartana ku godaya, waxaana Wasiirka iyo Boqorka leeyahay farta ayaa la idinku godayaa ee is baraxa, oo hadla, oo ka jawaaba waxa la idinku eedaynayo, mar walba waxaana qurux badan inaynu cadaalada iyo wanaaga ilaalino, oo aynu ka dheerano fidnada iyo xumaanta, labadan reerna waxaan leeyahay ILAAHAY baa meesha idinku wada beeray, ILLAAHAY baa xukumay inaad is dhashaan, oo inan iyo abtigii isku noqtaan, waxaan leeyahay cid iska kiin xigta ma jirto, ee dagaalka joojiya,”.
Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey hantida Qaranka ayaa yidhi “Xukuumaddani maaha Xukuumad hantidii qaranka iyo hantidii umadda ilaalinaysa, ee waxay boobi karto wey boobaysa, waxay iibin karayso wey iibinaysa, laakiin haddii Rabi taladda dalka ku guulayo Waddani, Waddani ayaa dib u soo celinaya hantida umadda”
XIldhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo isna ka hadlaya hantida qaranka ayaa yidhi “Xilli kala guura iyadoo lagu jiro in Nimankii Xukuumadda ku jiray inay ka faa’iidaystaan, oo dantooda eegaan, danta qarankana iska indho tiraan oo hantida qaranka siday doonaan ka yeelaan waa ceeb, waana ayaan daro in dan la boobo hantidi danta guud ee umaddu wada lahayd, Madaxweynaha ILLAAHAY cairigiisa ha raadshe , waxaanu ka codsanaynaa in talaabo cad laga qaado cid boobaysa hantida umadda, in laga dhiidhiyo weeye hantida umadda ee kolba la iibinayo, waana ceeb iyo meel ka dhac in la boobo hantidii danta guud ee dadku wada lahaa, Madaxweynahana waxaan leeyahay, Madaxweyne nin shilin rabaa haddii uu dadkii iyo dalkiiba qaribayo, waa in la iska qabtaa, ee mawqif shariif ah ka qaado hantida umadda ee la iibinayo”.
Xildhibaan Aareye mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Axsaabta, Xukuumadda iyo Bulshadaba, waxaan leeyahay waa inaynu diyaar u noqonaa Doorasho xor iyo xalaal ah, Gobolada Sool iyo Sanaag ee aan wali kaadhadhka laga qaadana, waxaan kula talinayaa dadka degan inay si fiican kaadhadhka u qaatan”
Xildhibaan Aareeye mar uu baaq u diraayey beelaha dagaalamay ayaa yidhi “Beelahan walalaaha ah waxaan leeyahay, waa inuu caqligu shaqeeyo, oo dagaalka la joojiyo, in la isku bun tirsadaa oo la yidhaahdo intan baan dilay maaha wax wanaagsan, Somaliland haddii aynu nahay waxaynu ku faahnaa nabadgalyo ee aynu ilaashano nabadeena”.