Xisbiga WADDANI Oo Munaasibad Balaadhan Ku Qaabilay Siyaasiyiin & Taageerayaal Ka Soo Jeeda Beelaha WARSANGELI Iyo Khudbadihii Laga Jeediyey Madasha+SAWIRRO

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimaya, ayaa maanta Xisbiga WADDANI ku qaabilay siyaasiyiin, wax-garad, aqoonyahan iyo taageerayaal baaxad weyn oo ka soo jeeda beelaha Warsan-geli ee dega deegaanada gobalka Sanaagtmp_13354-11-92037133766

 

Xafladdan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, hoggaamiyaha xisbiga, xoghayaha guud, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaal aad u tira badan.tmp_13354-12-81512703027
Munaasibadaas oo khudbado kala duwan ay ka soo jeediyeen Masuuliyiintii xisbiga Waddani, Siyaasiyiintii iyo Taageerayaashi ku soo biiray xisbiga Waddani ayaa waxa halkaasi ugu horayn khudbad qiimo leh ka soo jeediyey Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Ciro, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa oo uu yidhi “Salaadiinta, Boqorada Iyo Madaxda dhaqanka, masuuliyiinta xisbiga iyo taageerayaashooda, haldoorka gobolka Sanaag ka soo jeeda ee ku soo biiray xisbiga Waddani. Marka hore aniga oo ku hadlaya magaca xisbiga waxaan halkan ku soo dhaweynayaa siyaasiyiinta, dhalinyarada, qurbajoogta iyo haweenka, cududooda halkan ku muujiyey ee ka soo jeeda Beesa Warsangali ee maanta xisbiga ku soo biiray waxaan leeyahay ku soo dhawaada xisbiga Waddani oo ah xisbi aan la idinka lahayn oo kuwa aad ugu timaadeen aanay idinka lahayn oo aad u siman tihiin, xisbi doonaya oo himiladiisu tahay inaan barina jirin galbeedna jirin laakiin Somaliland oo mid ahi jirto, waxaan idin leeyahay walaalayaal ku soo dhawaada waxaad ku soo biirin doontaan cudidiina, caqligiina, waayo aragnimadiina, waxa ku jira siyaasiyiin iyo hablo in badan ka tirsanaa xisbiga Kulmiye, taariikhda odayaashii iga mudnaa ayaa halkan ka sheekeeyey, beeshani waxa ka soo jeeda boqortooyada ama saldanada ugu faca weyn dadka afsoomaaliga ku hadla iyo Somalilandba, boqortooyadaasi ama saldanadaasi waxa ay ku suntanayd gumaysi diid iyo nabad waayo dhulkaa ay degaan beeshani inta badan colaado kama dhacaan waa laga yaaabaa qaybo kale oo Somaliland ka mid ah inaynu maqalno laba beelood baa isku dilay” ayuu yidhi Murax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo halkaasi ka hadlay.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay hogaamiyuhu oo uu yidhi “Waxaan soo dhaweynayaa sidii odayaashii halkan iga horeeyeyba ay yidhaahdeen beesha muga, miisaanka iyo xadaaradaba lagu yaqaano oo ah runtii beelaha Somaliland ugu muhiimsan ee ugu dheer taariikhda iyo xadaarada marka laga hadlayo aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa inaad cududa isla kaaya barbar taagtaan oo aad wadani timaadaan oo aad ku soo dhamaataan aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay oo aanu idiin soo dhaweynaynaa.tmp_13354-9-91301530834
Maalinba mawjad weyn ayaa imanaya oo mawjada maanta joogtaa ay ka mid tahay, Kulmiyena waxa uu kaga jawaabaa sidaan hore u tilmaamay inuu laba qof lacag siiyo oo aan ku tilmaamo (buul hunguriga siyaasada) maalin hore, Buul hunguriyada meelahaa laga sameeyee ay dadka masaakiintu wax ku doonaan, waa buul hunguri siyaasadeedoo laba qof inta lacag la siiyo ayaa la yidhaa Waddani ayaanu ka baxnay, waxay taa kaga jawaabaan mawjadahaa waaweyn ee is-riixaya ayay taa kaga jawaabaan, waxaan leeyahay dadka halkan fadhiya Kulmiye wuu idinka buuxaa Wadadani-se wuu idiin baahan yahay, waa banaan yahayoo Somaliland oo dhan wuu qaadi karayaa, Somaliland oo dhan inuu isku keeno ayuu doonayaa, Qaranimo laba darab iyo saddex daraf aan ka koobnayn ayuu doonayaa, mid aad gunta ugu jirtaan oo baarka ka joogtaan oo barbarka aad ka joogtaan ayuu doonayaa, aadbaanu idiin soo dhaweynaynaaye soo dhawaada.tmp_13354-7-8-2061917744
Qolada Kulmiye hore sidii uu u tilmaamay gudoomiyuhu dee waa isku badal qof qof lagu badalayo inkastoo aanay iyaga (Kulmiye) uba cadayn waxa ay badalayaan, waayo golihii wuu fadhiyaanoo, xubnihii way fadhiyaanoo tolow kuweebaa la badalayaa waa qof qof ku badal uun ilayn wax badalku waxa weeyi qof meel ka kiciyoo qof kale ku badale, laakiinse Waddani waxa uu wadaa isbedel, ilaahayna ha inooga dhigo isbadal khayr qaba.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan, Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.tmp_13354-8-8-1393731717 tmp_13354-5-101250768322 tmp_13354-2-14345868615 tmp_13354-1-15-1302607653