Xukuumada Somaliland Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadashey Dagaal Shalay Ka Dhacay Gobalka Sanaag , Shaacisayna Khasaaraha Ka Dhashey + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com) Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay maanta markii ugu horeysay ka hadashey
dagaal maalintii shalay aheyd deeganka Ceel Afweyn ee gobalka Sanaag ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada dega

Wasiirul Dawlaha wasaarada ganacsiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo arintan ka Hadley ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashey khasaare ah 7 qof oo dhimasho ah iyo 14 qof oo dhawaac ah waxaana uu labadaasi beeleed ugu baaqay in ay dagaalka si shuruud la,aan ah u joojiyaan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtube.com/watch?v=6BgDSajX4Lc