“Xukuumaddan Maanta jirta Waxaynu Ku Xasuusan Doonaa Eexda, Qabyaalada Sicir-bararka” Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ -Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada,ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ugu baaqay inuu taariikh kaga tago dalka, oo uu qabto Doorasho xor iyo xalaal ah,dhexna u ahaado Xisbiyada Qaranka, ee Doorashada ku tartamaya.

awxoog-150x150

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumaddan Kulmiye tan iyo 2010, wakhtigii taladda dalka qabatay inay la wareegtay hawlihii nabadgalyada ee Golaha Guurtida, si gaar ahna Wasiiro u maamulan, waxa kale oo uu ka hadlay qodobo ay ka mid yihiin Sicir bararka,Xarunta Badhasaabka ee Gobolka Awdal ee la sheegay inay Xukuumaddu iibisay, iyo qodobo kale, waxaanu ugu horeyn yidhi “Xildhibaan Abubakar, oo ah reer Awdal ah oo ka hadlaya ayaan maqalay xaruntii Badhasaabka ee Gobolka Awdal oo la iibiyey, balse meeliba ma hadhin, waxaana imika igu maqaale ah in la iibinayo aqalkii hidaha iyo dhaqanka ee Carwada, ee u dhisna sida Aqal Somaliga, oo caalamka ah meelaha aan la taaban,waxaana mooda inay Xukuumaddani aanay waxba reebayn, waa Xukuumad wax sii boobaysa, waxba dhaafi mayso, carabka ayey dhulka marinaysaa, markaas anigu marnaba beenaysan maayo in Xaruntii Badhasaabka ee Awdal la iibiyey, waayo Guriyihii Dawladda oo dhami wey dhammaadeen, Dekadii waa la wareejiyey, Madaarkii Berbera waa la wareejiyey, ee waxaan leeyahay waa in aanay Xukuumaddu taaban meelaha taariikhiga ah sida Carwada oo ah madxaf taariikhiya, oo ah in dhismihiisa la cusboonaysiiyo mooye,oo waxba laga bedelin, oo ay iska ilaalisa”.
Xildhibaan CabdiraxmaanXoog mar uu ka hadlaayey Doorashada wuxuu yidhi “Madaxweynaha waanu u ducaynaynaa, mana sharaxana Madaxweynuhu, markaas waxaan Madaxweynaha leeyahay madaama Madaxweyne aanad sharaxnayn taariikh wanaagsan ka tag, oo Doorasho xor iyo xalaal ah u qabo axsaabta, oo dhex u noqo, intaas ha lagugu xasuuste”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey Sicir bararka wuxuu yidhi “Xukuumaddu iyada ayaa ka masuul ah sicir bararka, tusaale ahaan haddii imika qof kale oo shicibi uu lacag soo daabacdo, waa la xidhi lahaa, waxaana lagu xidhi lahaa, lacag daabasho been abuur ah, laakiin Xukuumaddu iyada ayaa lacag soo daabacanaysa, halkii iyadu dollar suuqa ka galin lahayd, ayey iyadu kaash suuqii galinaysa, waana kaas oo doolarkii cirka ayuu marayaa, Dawladda Daahir Rayaale Kaahin, waxa qiimaha boqolka doolar lagu hayn jiray lix boqol oo kun, doolar baa suuqa la galin jiray, awood buu Baanka Dhexe lahaa, isaga ayaa doolar gacanta ku hayey, oo haddii uu doolarku kaco, Baanka ayaa suuqa ku sii dayn jiray lacag doolar ah, imika lacag doolar ah ugu tagi maysid Baankii, markaas Xukuumaddii iyada ayaa ku talagashay inuu sicir bararku sidaas ahaado, waxaana dhab ah in Xukuumaddu miisaaniyadda ku darsato mashaariic gacan ku rimis ah, tusaale ahaan warshadihii bacda, waa tii Dawladdu joojisay, dadka qaar miisaaniyada ayaa loogu daray, halka dadka qaar la qadiyey, markaas Xukuumaddu iyada ayaa dadka u kala eexanaysa, una kala hiilinaysa, markaas Xukuumaddan waxaynu ku xasuusan doona eexda, qabyaalada iyo sicir barar xadhka goostay iyo hawlihii nabadgalyada ee Guuritada oo ay la wareegtay”
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu baaq u diraayey labada Beelood ee dagaalamay wuxuu yidhi“Labadan Beelood, waa dad aan kala guurayn, waa dad aan kala libdhayn, wakhtigii abaarta, waxay ahaayeen dad biyaha wada guulayey, deegaan baa ka dhexeeya, dagaalkoodu wax alaale wuxuu faa’iido ah oo uu soo kordhinayaa ma jirto, abaartuna meelihii ugu darnayd bay ahayd, wakhtigii abaarta wey heshiiyeen, imikana inay isku soo noqdaan waa arin fool xun, waxaan leeyahay dagaal wiil baa ku dhinte wiil kuma dhasho, dad is wada dhalay, baad tihiin, waxaan ugu baaqay inay nabada qaatan, dagaalkana joojiyaan, buntirsiga ay leeyihiin intaas baa la I dheerastay janno lagu gali maayo, ee naar baa lagu galayaaye, wixii la isku xukumay iyo intaad magtii kala qaadataan, oo godob reeb isa siiya, haddii aanay siyaasadi meesha ku jirin, oo dad siyaasiyiini idinka dambayn, oo aad idinka oo qudha tihiiin waad dhamaysan kartaan”.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog mar uu ka hadlaayey in Xukuumaddu hawshii Guurtida ay la wareegtay ayaa yidhi “Hawlihii nabadgalyo ee Guurtida Wasiiro ayaa la wareegay ilaa 2010-kii,iyagoo eexaysanaya kharashka yar ee Guurtida la siinayo Guurtida, meeshii shaqaaqo ka dhacdo ee ay ahayd in Guurtida loo diro Afar Wasiir ayaa tagay, oo amar ka qaata Madaxtooyada, afartaas Wasiir, hadal cad ma sheegi karaan, Xildhibaano la doortay maaha, waa niman dad u shaqeeya, markaas Wasiir dad ma dhex-dhexaadin karo, dhanbuu ka socda, Xukuumad buu ka socdaa, markaas wax alaale wixii shuruuc ee dalka u yaalay Xukuumaddani wey ku tumatay”.
Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa sidoo kale sheegay inay khalad tahay in la kala saaro Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda, waxaanu tilmaamay in eedaha Xukuumaddu, in Xisbiga Kulmiye wax ku leeyahay, madaama uu sheegay in Xukuumaddu ka timid Xisbiga Kulmiye, dhinaca kale wuxuu sharci daro ku tilmaamay in eeddoo loo soo jeediyey Golaha Wakiilada, waxaanu tilmaamay in Goluhu waajibaadkiisi ka soo baxay, halka uu sidoo kale sheegay in Xukuumaddu sharciga iyo dastuurka siday doonto ka sheego, waxaanu khalad cad ku tilmaamay in hawlaha Golayaasha Deegaanka ay Xukuumaddu amaro ka soo saarto.