Askari Ka Tirsan Ciidanka Booliska Somaliland Oo Dabley Hubaysani Ku Dileen Gudaha Magaalada Laascaanood Iyo Tirada Dad Dilkan loo Xidh-xidhay

Magaalada_Laascaanood_Gobolka_Sool

 Laascaanood(Salaanmedia.com)September.23,2017-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood soona gaadhaya
Salaanmedia.com ayaa waxay sheegayaan in askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ay dabley hubaysani
ku dileen gudaha magaalada Laascaanood. Waxaana dableydan hubaysan ay ahaayeen kuwo ka ganacsada Maandooriyaha Khamriga,waxaana ay
dableydani soo gaadheen Kaantaroolka magaalada Laascaanood,waxaana ay ciidamada Boolisku isku dayeen
inay is daajiyana gaadhigii lagu waday Maandooriyaha Khamriga,waxaana ay dableydani markiiba rasaas ku
fureen ciidamadii ku sugnaa Kaantaroolka,halkaasna waxa ku dhintay askarigaasi. Dableydan ayaa markii ay dilka gaysteen waxay ka baxsadeen goobtii,waxaana ay ciidamada Boolisku wadaan
baadhitaano ay kusoo qabqabanayaan dableydaasi. Sidoo kalena ciidamada Booliska gobolka Sool ayaa hawl gallo ay sameeyeen waxay kusoo qabqabteen 8 nin
oo hubaysnaa,kuwaas oo ciidamadu ay kasoo qabqabteen degmada Xidh-xidh ee gobolka Sool,waxaana lala
xidhiidhinayaa inay taageero iyo caawimo siinayeen dableydan askariga dilay. Maaha markii u horeysay ee askari ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Sool lagu dilo.