Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa waxaa ay saaka safar kaga jarmaadeen magaalada Hargeysa .
Waftgan ayaa waxaa ay ku sii jeedaan magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal oo soo dhaweyn balaadhan loogu diyaariyey .
Soo dhaweynta waftigan ayaa waxaa si aad ah looga dareeemayaaa magaalada Borama , waxaana soo dhaweyntooda u diyaar ah kumanaan iyo kumanaan tageerayaasha xisbiga Waddani
Xisbiga Waddani ayaa sidoo kale la filayaa in uu saaka Borama ku soo bandhigi doono dhoolatus ka turjumeysa awooda uu xisbigu ku leeyahay gobalka Awdal