Deg Deg ]:- Musharax Ciro Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Saaka Safar Kaga Jarmaadey Magaalada Hargeysa + [ Halka Uu Ku Sii Jeedo ]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani
Cabdiraxmaan Ciro ayaa saaka u safar kaga jarmaadey magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland

IMG_3A9D02-5E66D7-6B6EF1-614CCD-0351D4-4F1331

Waftiga ayaa waxaa ay ku sii jeedaan deegaanada degmada Salaxley ee gobolka Maroodi-jeex halkaas oo soo dhaweyn heer sare ah loogu sii diyaariyey

Ujeedka waftigan balaadhan oo ay qayb ka yihiin hogaanka sare iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa waxay socdaal ku marayaan sida lagu wado deegaanada degmada Salaxley,waxaana ujeedada socdaalkoodu ay tahay u kuur galida xaaladda dad iyo duunyo ee deegaanadaasi iyo soo dhawaynta taageerayaal tiro badan iyo 7 Xildhibaan oo kusoo biiray xisbiga WADDANI isla markaana shalay iska casilay xisbiga KULMIYE.