Dildilaac Siyaasadeed Iyo Loollan Dhaqaale Urursi oo ka Dhex-bilaabmay Madaxtooyadda + Maaliyadda Iyo Xisbiga KULMIYE

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Dil-dilaac Siyaasadeed oo daah-furay kala damac-duwanaanta Masuuliyiinta ugu tunka weyn Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa kolkii u horraysay qolo-ba dhankeeda u hulleeshay, isla markaana koox waliba geesteeda heen-saha u saartay Faraskii ciyaarta Doorashada ay ku geli lahayd, sidoo kale, waxa iyanna loollan dhaqaale urursi oo bartilmaameedkiisu yahay halkii Shilin lagu ogyahay uu ka dhex-bilaabmay Madaxtooyadda, Maaliyadda iyo Xisbiga KULMIYE.

bristkulm2-1-150x150

Arrimahan oo tilmaamaha ifafaalaha u ah soo shaac-baxeen tan iyo intii ka dambeyesay markii hayaanka geediga qaranku cagta saaray dhabbaha Doorashada uu habeen dhaxa ka hadhay isku taagay 60-caano maal, xilligaa ama mudada wixii ka dambeeyey waxa dhamaaday tudhaale kastoo ay ku kala war-wareegayeen masuuliyiinta Xukuumadda ee damacu ka hayo hanashada mustaqbalka KULMIYE iyo hoggaanka Xisbiga oo gudoomiye Muuse kow-ka yahay. Sidaas darteed xaalku dhan-walbaa labada geesood waxa uu ka noqday kolna taagtaa kolnaa tamartaa.
Metelan Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, oo isaggu isku wadday inuu noqdo dumaasha gudoomiyaha KULMIYE Muuse dabada, ayaa la sheegay hadda inuu ka quustay arrinkaa, oo u can-dhuuftiisa-dib u liqay, isla markaana u jarihii ciyaartaa dhankiisa geediga u heen-seeyey halka uu filayo inuu hankiisa Siyaasadeed kusoo nooleyn karo. Tusaale ahaan wararka laga helayo sayladaha Iibka iyo kala guurka Siyaasiyiinta Somaliland, ayaa si weyn maalmihii u dambeeyey waxa lagu hadal hayey in Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi ay heshiis siyaasadeed la galeen isagga iyo rag kale Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe.
Heshiiskaas oo ah mid labada dhinac is-dhaafsadeen laba aragtiyood oo nuxurkooddu yahay in gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe uu wareejiyo mustaqbalka jagada gudoomiyaha xisbiga, hadana si ku meel-gaadh ah jagadaas loogu magacaabo shaqsi ay isku deegaan kasoo jeedan Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, iyo qodobka labaad oo isna dhigaya in jagada Musharaxa Madaxweyne ku-xigeen ka Xisbigaas laga dhigo shaqsi kasoo jeeda gobolka Sool, taasoo fushay iyadu, sida Gudoomiyaha Xisbigu ku dhawaaqay shalay. Waxa kaloo Wararka amuurtan la xidhiidha sheegayan in geediga dahsoon ee dhanka UCID Wasiir Maxamuud Xaashi ay ku weheliyaan masuuliyiin uu kamid yahay Wiilka sodogga Madaxweyne Siilaanyo u yahay ahna safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Baashe Cawil.
Geesta kale, kala rejo-go’ Siyaasadeed ee Maxamuud Xashi iyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi intaa kuma eka, balse sida ay xuseen dadka u dhuun-daloola arrimaha labada dhinac, waxa jira loollan xafiltan aanu ka madhnayn oo ku jiheysan wixii dhaqaale ah meeshu doone haka soo baxee, waxana illaha laga helayo Wararka ku saabsan loollanka dhaqaale urursi tusaale usoo qaateen Safarki Dubai, kaasoo sida la sheegay Shirkadda DP World aakhirkii ogolaatay Lacag Shan-milyan oo Dolar oo horumarin ah inay bixiso, hase-yeeshee markii dambe ay isku mari-waayeen Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, oo midbaa geestiisa ku dooday in Lacagta isaggu qaado, tusaale ahaan Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, ayaa la sheegay inuu ku dooday damaymo badan in lagu leeyahay Xukuumadda, isla markaana ay daruuri tahay in lacagtan lagu bixiyo daymaha loona dhiibo isagga, halka sida iluhu xuseen Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan geesteeda iyana badka soo dhigtay dood ah wasaaradda Maaliyaddu inay ku jirto hoos-u-dhac dhaqaale oo weyn, isla markaana aanay ka maarmi karin lacagtaas in lagu badbaadiyo hoos-u-dhaca dhaqaale dalku galay, hase-yeeshee markii intaasi dhacday, ayaa sida xoggaha qaarkood xuseen waxa ciyaarta loollanka lacagta kusoo biiray Musharraxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, oo isna doodiisu anay ka dhicin mida labada masuul ee kale qabeen, maadama isna uu yahay Murashax u taagan Xisbiga Xukuumadda ka dhalatay ee KULMIYE, sidaas awgeedna ay tahay waajib si dadban iyo si toos ah-ba u saaran Xukuumaddu door dhaqaale ka geysato oloolihiisa madaxtimada.
Inkastoo aanu jirin ilaayo hadda war si cad daboolka uga qaadaya halka dhaqaalahaasi ku dambeeyey aakhirkii, balse haddana marka la qiimeeyo qaabka masuuliyiinta safarka imaaraadka ku tagay qaabkii ay dalka ugu soo noqdeen, oo ahaa mid tafaraaruq ka muuqday, gaar ahaan sida qoloba gees dalka usoo gashay.

Yool