Guddoomiye ku-xigeenka Cusub Ee Golaha Wakiilada Oo Socdaal KULMIYE Abaabulaayo Axada Ku Tagaaya Boorama, Murashaxa KULMIYE Oo La Filaayo Inuu Sii Galbin Doono Iyo Hadalkii Siyaasi Abgaal Oo Rumoobaaya+SAWIRRO

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Maalmihii Ugu Danbaysay Waxa Magaalada Borama Laga Dareemayey Dhaqdhaqaaqa Diyaargalawga Soo dhaweynta Waftiga Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Axmed-Yaasiin Sh.Ali Ayaanle Oo Maalinta Ciida Sadexaad Ee Axada Ku soo wajahan Magaalada Borama.

IMG_0889

IMG_0888

IMG_0889

IMG_0891

Suuqyada Waa Weyn Ee Magaalada Borama Iyo Jidadka Wadnaha ayaa Indhahaagu qabanayaan Boodhadh ay Ku Xardhan Yihiin Sawirada Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Kuwaasi Oo Si Weyn Uu Soo Jiitay Shacabka Magaalada Borama.

IMG_0892

IMG_0893

Soo dhawaynta iyo Safarka Axmed Yaasiin ee Boorama ayaa dhinaca kale laga dareemaya inay hoosta kaga lamaantahay damaca siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye, iyadoo la filaayo inuu socdaalkiisa sii galbiyo Murashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse BIIXI Cabdi, taas oo la odhankaro waxa dhaboobaysa hadalkii Siyaasiga Maxamed Jaamac Abgaal oo gobolkaas ka soo jeeda ku sheegay inuu Kulmiye rer Boorama dayn cod uu ku doonaayo kaga rabo kursiga Axmed Yaasiin Sheekh Ayaanle, kaas oo uu xaq u laha.