Mas’uuliyiin Ka Wada Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Meeel Fagaare Ah Isku Dhaafsaday Hadalo Qaawan Oo Ka Baxsan Nidaamka Dawladnimada 

Mas’uuliyiin Ka Wada Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Meeel Fagaare Ah Isku Dhaafsaday Hadalo
Qaawan Oo Ka Baxsan Nidaamka Dawladnimada 

jjjjjj-150x150

Burco (Salaanmedia.com)-Saddex mas’uul oo ka wada tirsan xukuumadda Somaliland iyo guddoomiyaha gollaha
deegaanka degmada Burco ayaa meel fagaare ah isku dhaafsaday eedaymo kala duwan oo mid-ba midka kale u jeediyay.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer, Maayarka degmada Burco, Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Burco iyo
agaasimaha guud ee wasaaradda khayraadka biyaha Somaliland ayaa hadalo Xanfleh isku waydaarsaday madal ay
xilka kula kala wareegayeen Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Burco iyo maareeyaha cusub ee dhawaan loo soo magacaabay.
“Wakaalada biyaha ee Burco waa meel aad u dhib badan, runtii waxa aan odhan karaa waxa dhibaatadaa ugu wacan
waa wasaaradda khayraadka biyaha, meeshan wasaaraddu waxa ay u timaadaa inay wax uun ka qaadato ee uma
timaado inay wax la qabato runtii, agaasimaha guud ee wasaaradu makhraati ayuu ka yahay run ahaantii dee anigu
cid gaar ah carabka ku gudi maayo laakiin kolay way iska cadahay, wasaaradda dee waxa uga qoran mushahar 30
milyan ah oo ay ka qaadato wakaalada biyaha meel laga qaado ma jirto gobolada dalka oo dhan, waxa laga qaadaa oo kaliya wakaalada biyaha ee burco, waxa aan doonayaa in aan halkan ka tilmaamo daymaha lagu leeyahay
dawladda dhexe iyo dawladda hoose maayarkuna wuu fadhiyaa, dawladda dhexe waxa lagu leeyahay waa 13 bilyan,
xarunta booliska iyo degmada, dhakhtarka weyn iyo xarumaha caafimaadka, jeelka weyn, xafiiska gobolka, guriga
madaxtooyadda gobolka, madaarka burco iyo dawladda hoose ee burco, intaasi waa inta lagu leeyahay 13 bilyan”
ayuu yidhi Maareeyihii hore ee wakaalada biyaha Burco.
“Wax jira oo aanu odhanayno maanta wasaaradda lacag ayaa ku maqan ma jirto, inta aan ogahay waxa jira 30 milyan oo wasiirkii hore ee wasaaradda khayraadka biyaha Baashe Cali Jaamac uu digreeto ku soo saaray, wax ala
waxa kale ee uu Fadxi sheegay ee lacag wasaaradda kaga maqan amma lacag kaga maqan haddii uu hal warqad keeno
oo ay ku qoran tahay masuuliyadeeda inaga ayaa qaadaya aniga ayaana keenaya, haddii la waayo waxa weeyi waa
tuugo, tuugadana qofka bida ayaa lagu xidhaa” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda khayraadka biyaha
Somaliland.
“lacag ayuu sheegay badan oo yidhi hebel ayaa loo diraa taa laftigeedu waa xaq-darro, oo meesha in la yidhaa hebela ayaa 30 milyan loo dirayaa haddii ay hore u jiri jirtay jiri mayso dee 30 milyan masaakiintan burco siiya
haddii aad cid siinaysaan, kuwan bakhtiyaya siiya haddii aad cidsiinaysaan laakiin dee nin Hargeysa lagta ka lula
ayaan lacag u diraa maanta in aad sheegto may ahayn fadxiyow in aad qariso ayay ahayd, maareeyaha cusub waxa
aanu leenahay 30 milyan jooji maareeye, dawladda in lacag lagu leeyahay way jirtaa oo wakaaladu inay lacag ku
leedahay way jirtaa, annaga laakiin dawladda hoose ahaan waxba lanaguma laha 86 milyan ayaa nagu qoran” ayuu
yidhi Maayarka magaalada Burco. “meelaha qaarkood waa lama taabtaan, dhakhtarka, Jeelka, masaajidada iyo booliska intuba waxa ay dulsaaran
yihiin wakaalada, anigu dee shantaa gobol ayaan soo maray oo meel masaajidada lagaga cawdaa ma jirto” ayuu yidhi
guddoomiyaha gobolka Togdheer