Muqdish)(Salaanmedia.com)-Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada maka Al- Mukarama, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Gudaha Magaalada Muqdisho. 
Muqdish)(Salaanmedia.com)-Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay Wadada maka Al-
Mukarama, kaasoo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

tmp_8970-qarax-276308565

Muqdisho (Salaanmedia.com) Qaraxan oo ahaa gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayay wararku
sheegayaan inuu ka dhacay nawaaxiga Hotelka Wehliye. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare ka dhashay, balse si dhab ah looma ogo,
iyadoo waqti hore ay tahay oo aan khasaaraha la qiyaasi karin. Gaadhiga qarxay ayaa la sheegay in la dhigay agagaarka Hotelka Wehliye oo ka mid
ah hotelada ku yaalla hareeraha wadada Maka Al-Mukarama. Todobaadyadii u dambeeyay wadada Maka Al-Mukarama oo ah wado aad u
mashquul badan, halbowlena u ah isu socodka magaalada ayaa waxaa ay
badhtilmaameed u aheyd qaraxyada loo adeegsado gaadhiga waxyaabaha qarxa
laga soo buuxiyo.