Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Mujaahid Jiciir Aw-Axmed oo Xaalad Caafimaad u Jiifa+SAWIRO

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Gurigiisa Ku Soo Booqday Mujaahid Jiciir Aw-Axmed oo Xaalad Caafimaad u Jiifa+SA:-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa gurigiisa ku soo booqday Mujaahid Jiciir Aw-Axmed Xasan oo ka mid ahaa aas-aaseyaashii ugu horreeyey SNM oo muddooyinkii dambe xaalad caafimaad u jiifay gurigiisa.

IMG_1001

IMG_1002

IMG_1003

IMG_1004

IMG_1001-1

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo maanta Salaadii Jimce ka dib soo booqday Mujaahid Jiciir Aw-Axmed, ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad deg-dag ah siiyo isaga oo ku amaanay doorkii shariifka ahaa ee uu ku lahaa halgankii lagu xoreeyey dalka ee SNM.
Mujaahid Jiciir Aw-Axmed oo isna ducadaas ka dib la hadlay Murashax Cirro, ayaa uga mahad-celiyey booqashadaas uu ugu yimi guriga, isaga oo Alle uga baryey in uu hamigiisa ku guuleeyo isaga oo si aada ugu dardaaray in haddii uu ku guuleysto Madaxtinimada dalka uu oggaado ku dhaqanka cadaalad iyo sinnaan buuxda.
Alle ha caafiye e’ Mujaahid Jiciir Aw-Axmed, ayaa ka mid ahaa dhowrkii qof ee ugu horreeyey ee aas aasay ururkii SNM, waxaana uu wakhtigiisii ugu badnaa uu ku soo qaatay xoreyntii dalka iyo weli ba sida oo kale siddii qaranka Somaliland uu u gaadhi lahaa horumar buuxa oo ay ku tallaabsadaan.