Musharax Ciro Oo Kashifay Cidii Ka Danbeysay Dilkii Ka Dhacay Magaalada Dila , Tacsina U Diray Madaxweynaha Kililka Shanaad Ee Itoobiya +[ Muuqaal ]

Boorame (Salaanmedia.com)_ Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Musharax Cabdiraxmaan
Ciro oo habeenkii xalay ka hadlaayey munaasibad loo sameeyey kumanaan tageerayaal ah oo ku soo biiray waxaa uu kashifay cidii ka danbeysay wiil kii yaraa ee dhawan lagu dilay magaalada Dila maalintii xisbiga Waddani magaaladaasi lagu soo dhaweynaayey .

Musharax Ciro ayaa sheegay in wiil-kaas yar ee la dilay ay masuulyadeeda lahayeen xoghayaha degmada Dila iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye oo Hargeysa Fadhiyey , isla markaana telefoon ku soo hagaayey dhacdada

https://youtube.com/watch?v=SivLNa3W9uQ

Sidoo kale Musharax Ciro ayaa waxaa uu tacsi u diray madaxweynaha kililka shanaad iyo qoysaska dadkii dhawaan lagu laayey deeganada Qoomiyada Oramada Ee Hawadaay