Muuse Iyo Saylici Oo Kolkii Ay Kalsoonidii Awdal Waayeen SHAADIR Ay Ku Galaan Boorama Ka Dhigtay Gudoomiye Ku-xigeenka Cusub Ee Wakiillada

Sanqad-tirashada Muuse + Saamo-jiidka Saylici + Simbiriirixadda Axmed Yaasin ee Kala-garan waaga Xilka Golaha iyo KULMIYE

IMG_4B1F5C-FF3676-FF30A4-D12488-C5CEC1-B2B1A21

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Musharraxiinta Xisbiga KULMIYE ee u tartamaya jaggooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xiggeenka Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilahi Ismaacil Saylici, ayaa la fillaya Maanta inay ugu baxaan Magaaladda Boorama Safar ay ku daba-jabinayaan Gudoomiye-ku-xiggeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, iyaggoo food-saaro uga dhigannaya bulshadda reer Awdal socdaalka Xildhibaanka iyo jagada cusub ee dhowaan golaha Wakiiladdu u doortay, maadaama oo labadda Musharrax aan laga taageersanayn gobolka, isla markaana aanay ku lahayn waji-lagu soo dhoweeyo oo ay ku kalsoon yihiin Muuse iyo Saylici.

Safarka Xukuumada iyo xisbiga isku milmay ku tagayaan Magaaladda Boorama, ayaa sida lagu sheegay xoggo Wargeyska Yool saacaddihii dambe ee Xalay uu ka helay ilo ku dhow-dhow Kaaderinta u kala damqaada Kulmiye iyo xuluffadda Xukuumadda ee Saylici, ayaa tibaaxay in gudoomiye ku-xigeenka cusub ee golaha Wakiiladda Safarkan ay ku wehelin doonaan Madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi iyo koox ah Wasiiradda taabacsan Muuse iyo Saylici, waxana xogaha socdaalku intaa raaciyeen in Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Kulmiye sii qorsheysteen inay la kulman inta ay joogan Magaaladda Boorama aqoonyahan iyo Odayaal-dhaqameed kasoo jeeda sida illuhu tibaaxeen Beesha gudoomiye ku xigeenka cusub ee golaha Wakiiladdu kasoo jeedo, oo sidda la sheegay ay rabbaan labada murashax inay kala hadleen kula gor-gortamaan kursiga shir-gudoonka Wakiiladda, taa bedelkeedana Beeshu Codkeeda ku dhisto Muuse iyo Saylici, maadaama iyaguba ay dhiseen sida ay ku doodayaan Gudoomiye ku-xigeenka cusub ee golaha wakiiladda Md. Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle.
Geesta kale, Wararka Wargeysku ka helayo Magaaladda Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa kusoo waramaya inuu magaaladda ka socdo dhaq-dhaqaaqyo ay dabada ka riixayaan masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda, dhaq-dhaqaaqyadas oo ah kuwo ku kooban sidii loo samayn lahaa soo dhoweyn dusha ka ah Gudoomiye ku-xigeenka cusub, hoostana ka ah dholo-tus Bulshada loogu hoo-saasinayo Musharrax Muuse iyo ku-xigeen Saylici, waxa kaloo Wararka gobolka naga soo gaadhaya intaa ku darreen, in Fikirifoonno la saaray Baabur tiro badan, sidoo kale, Tiirarka Laydhka ee Shaaracyada Magaaladdana lagu rakibay Cod-baahiyayaal.
Docda kale, inkastoo qabashadda Mansabyadda waaweyn ee Qaranka Somaliland aanay ku cusbay gobolka iyo dadweynaha reer Awdalba, oo sida la wada-ogsoon yahay hadday xilal noqoto ka gaadhay halkii ugu sarraysay oo ah Madaxweyne, balse haddana Xildhibaan Axmed yaasin Sheekh Cali Ayaanle oo marka intiisa la eeggo gobolku ixtiraam u hayo, waxa safarkiisan la moodo socdaalladii Shiinnidda ee boqorraddu hagto, durbadiiba ka darreen celiyey aqoonyahanka iyo waxgaradka gobolka Awdal gaar ahaan Magaaladda Boorama, kuwasoo qaarkood ku taliyeen inay haboonnayd Gudoomiye-ku-xigeenka cusub ee golaha Wakiiladdu isaggoo keligii ah oo ka madaxbanaan Xisbi iyo xukuumad labada inuu gobolka yimmaado, balse sidda hadda wax yihiin uu wax ku waaya-yo gudoomiye ku xigeenka, isla markaa socdaalkan loo dhan yahay uu mad-madow u gelinayo kalsoonidii golaha xilka u doortay, maadaama mucaarid iyo muxaafid intaba goluhu u dhammaa doorashadiisa.
Waxa kaloo, aqoonyahan aragtiida ka dhibtay safarkan isku cag-daray Saylici, Muuse iyo Gudoomiye ku-xigeen Axmed Yaasin, waxay qaarkood ku tilmaameen safarka inuu wax u dhimay qadarinta iyo xushmaddii loo hayey Xildhibaan Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, kaddib markii uu ka dhigay xilka shir-gudoonka golaha wakiiladda ee loo cimmaamadday mid aan loo garan gobolka, balse uu yahay amaano Saylici iyo Muuse Biixi u dhibteen, Codna kaga rabbaan Beeshiisa, sababta oo ah sidda aqoonyahanku xuseen waxa arrintaa u daliil ah inuu yahay mid abaal celintiisa looga fadhiyo Gudoomiye-ku-xigeenka safarkan lagu weheliyo, waayo sida dadka aragtiyahan bixiyey ku doodeen hadii xilku yahay mid gobolka loo gartay waxa Safarka uu gobolkiisa ku imanaya noqon lahaa mid Xor ah oo u madaxbanaan yahay, oo sida hada dhacday dad ujeedo gaar ah gobolka ka lehi aanay qoorta kaga marnayn.
Yool