Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Lala Xidhiidhiyey inuu Musharraxa KULMIYE ugu Deeqay Gaadhi iyo Afar Guri

Hargaysa (Salaanmediw.com)_ -Taliyaha Ciidanka qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland General Nuux Ismaacil Taani, ayaa lagu xidhiidhiyey jeebkiisa inuu ka bixiyey dhaqaalihii ama kharashka ku baxay afar Xafiis iyo Gaadhi lagu wareejiyey Xisbiga KULMIYE, agabka Guryaha iyo Gaadhigaasi oo goob-fagaare ah Gudoomiyaha KULMIYE ay ku gudoonsiiyeen Odayaal dhaqameed iyo haween sheegay inay wakiilka yihiin Ardaaga Beesha Reer Xareed. Ma jiro War kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Qaranka oo dhab ahaan u xaqiijinaya bixiyey kharashka.

hqdefault3-150x150

Hase-yeeshee Warar Wargeyska Yool u ka helay ilo-looga qaateen ah, oo si aada ula socday dhaq-dhaqaaqyada safarka Musharraxa KULMIYE ku maraya deegaanada galbeedka, ayaa tibaaxay in taliyaha Ciidanka qaran uu bixiyey kharashka kirada iyo agabka lagu qalabbeeyey afar xafiis, iyo sidoo kale Gaadhi aan noociisa la sheegin, balse Magaaladda Gabiley ay Xisbiga KULMIYE ugaga yabooheen xubno ku hadlayey afka Beesha Taliye Nuux Tani. Waxana illaha Wargeysku xogta ka helay intaa ku darreen in Taliyuhuu talaabadaa iyadda ah uu kaga dhayey Musharraxa KULMIYE hadii ay jiraan dhaawacyadii kasoo gaadhay siyaasiyiin waaweyn oo Reer Gabiley ah, oo iyaggu dhowaan ku biiray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.
Waxa kaloo jira, Warar xoggaha lidku ah, oo iyanna sheegaya in kharashka ku baxay afarta Guri iyo Gaadhiga aanu wax lug ah ku lahayn Taliye Nuux Taani, hase-yeeshee dhaqaalaha labadaas agab uu yahay mid ishaa-falato ah, oo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE iska sii horraysiiyey isaggu, jeebkiisan ka bixiyey. Dabeetana sidii shahaadadii masuuliyiinta lagu odhan jiray soo samayso aan ku siiyee, oo kale uu Musharraxa KULMIYE ugu talo-galay in xaflada Gabiley lagu gudoonsiiyo.
Munaasibada Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi iyo Beesha reer Xareed kula kala wareegeen agabkan oo Jimcihii doraad ka dhacday Magaaladda Gabiley, ayaa sida uu ku dhawaaqay Suldaan Xuseen Aw Muuse, waxa hor iyo dambaysaba kharashka afarta Guri iyo gaadhiga sheegay inay dusha u rittay Beesha Reer Xareed, iyagoo arrinka ka hadlayana waxa uu yidhi Suldaan Xuseen Aw Muuse “..Gudoomiye Beel-weynta reer Xareed, waxay kugu wareejinaysaa afar aqal iyo Baabuur, inta Kursiga laguu dhaarinayana, wax kharash ah oo kaaga bixi doona aanay jirin..”.
Haddaba hadii kharashkan ku baxay afarta Guri iyo gaadhiga uu yahay mid ka yimi Jeebka Muuse Biixi ama kan Beesha reer Xareed ma jirto dhib sidaas u weyn, oo maxaa yeelay sida muuqata Dimuquraadiyadda curdinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaaban weli iskeed isku taagin oo aan ka madaxbanaaneyn qabyaalad. Balse waxa dhib ah oo beelo ka joogtaa hadii kharashka afarta Guri iyo Gaadhiga yahay mid uu bixiyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, oo jeeb kiisa ah, maxaa yeelay Md. Nuux Ismaacil Taani maha shaqsi maanta waa taliyihii guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Somaliland, oo isaggu maanta ah, Ninka Masuuliyaddu ka saaran tahay inuu nabad-gelyo ku ilaaliyo Kursiga loo baratamayo iyo qarankaba, intaa laga qaadhayo in saddexda Musharrax midkood kusoo hoggaaminta tallada dalka. Inkastoo Wararka taliyaha ku xidhiidhinaya bixinta kharashkaas weli ku xoogan yihiin goobaha bulshaddu ku kulanto, balse xalaal iftin ayaa la qashaayee haddana waxa taliyaha ciidanka qaranka la gudboon hadii Warkani yahay mid aan jirin inuu hadlo oo eeddaa iska leexiyo, hadiis’e uu ka aamuso waxay arrintaasi noqonaysaa inuu Warkaasi xaqiiqo yahay.

Xigasho: Wargeyska Yool